Jahawareer Baahsan Oo Ka Taagan Wasaaradii Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha + Dhamaystirka Koobkii Gobolada Oo Ay Ku Fashilantay Iyo Masuuliyiinta Sare Oo Mugdi Galiyey Meeqaamkii Wasaaradaas.

0
Thursday March 24, 2016 - 22:37:38 in by Burco Office
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jahawareer Baahsan Oo Ka Taagan Wasaaradii Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha + Dhamaystirka Koobkii Gobolada Oo Ay Ku Fashilantay Iyo Masuuliyiinta Sare Oo Mugdi Galiyey Meeqaamkii Wasaaradaas.

    Hargeysa(Camuudnews)Wasaarada Dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Ee Somaliland Oo Ah Wasaarad Miisaan leh Tiir Muhiim Ahna Kaga Aadan Taabagalka Horumarka Iyo Hore Usocodka Bulshada Ayaa Noqotay GabI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Camuudnews)Wasaarada Dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Ee Somaliland Oo Ah Wasaarad Miisaan leh Tiir Muhiim Ahna Kaga Aadan Taabagalka Horumarka Iyo Hore Usocodka Bulshada Ayaa Noqotay GabI Ahaanba Ka Gaabisay Hawlihii Loo Xilsaaray Waxaana Jira Dhaliilo Isbarkan Oo Dul Hoganaya Wasaaradaas Iyadoo Ay Heerkii Horumarinta Ciyaaruhu Gaabis Noqdeen Halka Dalxiiski Uu Gabnoobay Dhalinyaradina Dhulkiiba Ka Haajireen.Wallow Ay Jiraan Mudaharado Ka Dhacay Qaarkamida Gobolada Somaliland Waxaana Badiba Dhalinyaradu Ay Aaminsan Yihiin In Masuuliyiinta Wasaaradaasi Hilmaameen Hawshoodii Iyagoo Ku Mashquulay Arimo Kale Iyo Kuwo U Khaas Ah.
Halkuu Ku Danbeeyey Goobkii Gobolada Somaliland?
iyadoo wasiirkii hore wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland mud axmed cabdi kaahin uu ku guulaystay Qabashada Wareegii Hore Ee Koobka Gobolada Somaliland Isla Markaana aanu Dhamaystiran Maadaama Uu Iska Casilay Xilkaasi Ayaa Loo Soo Magacaabay Wasiir C/lahi Faarax Maydhane Iyo Wasiir Ku Xigeen C/rashiid Ismaciil Kaahin. Iyadoo Uu Agaasimaha Guudna Muddo Badan Joogay Maxamed Xuseen Dhabeeye. Hadaba Waxa Ay Msuuliyiinta Wasaaradaasi Tahli Kari Waayeen Dhamaystirka Koobka Gobolada Somaliland Iyagoo Aan Guud Ahaanba Aan Wax Dhaqdhaqaaq Ah Fulinin Mudadii Ay Joogeen.
Dadka Qaar Ama Kuwo Kamida Dhalinyarada Somaliland Ayaa Aaminsan In Masuuliyiintani Ay God Madaw Ku Rideen Rejedii Wasaarada Iyo Tii Dhalinyarada Somaliland.
Inkastoo La Dhamaystiray Garoonkii Kubada Cagta Ee Hargeysa Oo Casriyayn Lagu Sameeyey Isla Markaana Uu Hirgaliyey Wasiirkii Hore Ee Wasaaradaasi Hadana Ilaa Imika Ma Muuqato Rajo Iyo Hadaf Lagu Hiran Karo Oo Ay Horseedayaan Masuuliyiinta Wasaarada Dhalinyarada ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somalilnd.
Waxaana Sidoo Kale Jira Cabashooyin Iyo Jahawareer Balaadhan Oo Soo Foodsaaray Wasaradan Maadaama Ay Gaabis Noqotay Shaqadii Wasaaradu.


………………………………………………………………………
W/Q: Khaalid Cabdi Muxumed (Bulshaawi)
Email:Khaalid.bulshaawi@gmail.com