Toban Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Is Xig Xigay Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

0
Saturday May 17, 2014 - 00:30:06 in by salman abdi
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Is Xig Xigay Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

    Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kale oo ka badan 70 qofna waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacday suuq ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kale oo ka badan 70 qofna waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacday suuq ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan laba qof oo lala xidhiidhanayo qaraxyadaasi.

Qaraxyadan oo dhacay duhurnimadii ayaa waxa ay ka dheceen suuqa Gikomba oo ah suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo badeecooyinka celiska ah ee la soo isticmaalay sida dharka.

Sidoo kale suuqani ayaa waaxa uu ku yaala meel aan ka fogeyn xaafadda ay soomaalidu u badantahay ee Eastleigh.

Booliska ayaa sheegaya in walxaha loo adeegsaday qaraxayadani ahaayeen kuwa macmal ah oo guryaha lagu farsameeyay.

Qaraxyadani waxa ay ugu dambeeyeen qaraxyo xidhiidh ah oo indhawaalaba ka dhacayay dalka kenya oo intooda badan lagu eedeeyey, kooxda Islaamiga ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Qaraxyadani ayaa ku soo beegmaya maalin uun kaddib markii waddamada mareykanka, UK iyo faransiiska ay muwaadiniintooda ugu digeen qaybo ka mid ah dalka Kenya.

Boqolaal qof oo ah dalxiisayaal u dhashay dalka Britain ayaa laga daadgureeyay magaalo xeebeedka Mombassa, xilli ay jirtay cabsi laga qabo weeraro halkaasi ka dhaca.

Shirkadaha dalxiiska Britain ayaa hakiyay dhowr duulimaad oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Mombasa, oo ah magaala madaxda labaad ee dalkaasi Kenya.

Xarunta hawlgalada musiibooyinka qaran ee Kenya ayaa sheegtay in qaraxa koobaad uu ka dhex dhacay gaadhi bas ah, halka qaraxa kale uu ka dhacay gudaha suuqa Gikomba.

Mas’uuliyiinta cisbitaalka Kenyatta ayaa sheegay in 70 qof oo dhaawacyo kala geddisan qaba ay soo gaadheen cusbitalka.

Daawo Sawirada Qaraxa

qaraxqarax1qarax3qaraxa2qraxa4


Hadhwanaagnews.xom

Afkashacabka.com

Contact@afkashacab,com