Ashley Young Iyo Phil Jones Oo Ku Soo Laabtay Kooxda Man United Una Ciyaaray Kooda Da'yarta Kulan Ay Xalay Barbaro La Galeen Dhigooda Chelsea

0
Tuesday April 05, 2016 - 08:14:52 in by Burco Office
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ashley Young Iyo Phil Jones Oo Ku Soo Laabtay Kooxda Man United Una Ciyaaray Kooda Da'yarta Kulan Ay Xalay Barbaro La Galeen Dhigooda Chelsea

    Macalin Van gaal ayaa war farxad leh ka helay qolka daawada kooxdiisa kadib markii ay xidigaha kala ah Phil Jones (76 daqiiqo ) Ashley Young (90 daqiiqo) Cameron Borthwick-Jackson (90 daqiiqo ), ay dhamaan kasoo laabteen dhaawacyo ay qabeen iyagoo sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalin Van gaal ayaa war farxad leh ka helay qolka daawada kooxdiisa kadib markii ay xidigaha kala ah Phil Jones (76 daqiiqo ) Ashley Young (90 daqiiqo) Cameron Borthwick-Jackson (90 daqiiqo ), ay dhamaan kasoo laabteen dhaawacyo ay qabeen iyagoo saftay kula ay xalay koxoda da'yarta United la ciyaartay dhigeeda Chelsea halkaasoo uu maclain Van Gaal ciyaarta daawade ka ahaa.


Phil Jones ayaa u muuqday soo gabagabeeyay xili ciyaareedkiisa isagoo qaab ciyaareed liita soo bandhigay lagana dareemayay argagax iyi cabsi marwlaiba uu kubada taabto taasoo keentay in ciyaarta laga saaro 15 daqiiqo ka hor waqtigii dhamaadkii ciyaarta wuxuuna toos u aaday albaabka looga baxo garoonka inkastoo uusan wax dhaawac ah qabin.

Daafaca ingiriiska ayaana mudo labo bilood ah cagta soo galin garoon waxaana laga dareemay inuusan wali taam aheyn iska ilow taam buuxa ah, taas badalkeeda Ashley Young oo ahaa xidigii dib u habeynta ugu weyn isku sameeyay tan iyo imaatinkii Van Gaal ayaa kulaank dhameystay isagoo an wax daal ah dareemin wuxuuna rajeynayaa inuu ku bilowda kulanka Tottenham ee todobaad dhamaadkaan.


Cameron Borthwick-Jackson ayaa isna ciyaaray kulankaan kadib mudo uu dhaawac ku maqnaa wuxuuna u muuqday mid dagan waxaana la filayaa inuu ka qeyb noqdo kooxda la ciyaari doonta Spurs halka Varela uu isna kulankaan qeyb ka ahaa.

Kulanka ayaa ku dhamaaday barbaro 1-1 ahaa waxaana labada gool u kala dhaliyayKasey Palmer oo Blues u dhaliyay gool laad xor ahaa oo cajiib ahaa halka United uu u barbareeyay James Wier.