Dhibaatooyinka Qaadka..W/Q Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
Tuesday April 05, 2016 - 09:36:24 in by salman abdi
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatooyinka Qaadka..W/Q Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

    Waa qormo ka hadli doonta dhibaatooyinka faraha badan ee qaadku leeyahay Aadamaha gaar ahaan inta cunta ee somalida u baddan ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa qormo ka hadli doonta dhibaatooyinka faraha badan ee qaadku leeyahay Aadamaha gaar ahaan inta cunta ee somalida u baddan ,

 iyo in la dareemo meelaha kala duwan ee qaadku naftaada uu waxyeelo ugu gaysanayo.

Markasta oo aad qayshaa "Qaad cuntaa” waa markasta oo aad naftaada dhibaataysid.

Caafimaadkaagamarkasta oo aad qayshaa "Qaad cuntaa” waa markasta oo aad naftaadu hoos u dhacdo sida Dhinacyada kala ah:–

· xoogaaga

· Dhaqaalahaaga

· Salaadaada

· sharaftaada

· maskaxdaada

· camalkaaga

· shaqadaada

· wakhtigaaga

· bulshadaada

·magacaaga

· dadnimadaada

· Dabeecadaada.

Qaadkuwuxuu saamayn iyo dhib balaadhanba ku yeeshaa dhamaan qaybahaas aan kor ku soo xusay isagoo ku kala horaynaya , tusaale ahaan marka aad qaad soo iibsatid ee aad fadhiisatid wuxuu markiiba dilay wakhtigii aad ku shaqaysan lahayd, kuna shaqaysan lahayd camal wanaagsan iyo camal nololeed.

wakhtiga ka dibna wuxuu wuxuu ku ilawsiinayaa ama uu dib u ridayaaa salaadii, salaada ka dibna dhaqaalaahagii wuu yaraynayaa si uu u yareeyaba ama jeebkaaga wuu madhnaysiinayaa, sharaftaada ayuu dilayaa kaba soo qaad adoo qaad amaahday ama qaad laguu qaaday, sidoo kale shaqadaada ayuu sagsaag galinayaa oo laga yaabaa in lagaa joojiyo shaqada markuu habsankaagu bato, marka lagu arko inaad qaad cunkaagu badan yahay waxa hoos u dhacaya magacaaga iyo barashada bulshada aad baran lahayd, maxaa yeelay markasta oo aad meel maqaan ah fadhidaa waa markasta ood qof aad baran lahayd waydid, dabeecadaadii qaadku wuu badalayaa maxaa yeelay xalay oo dhan markaad qaad cunaysid subixiina aad kacdid waxa badalmaya dabeecadii aad lahayd iyo adkaysigii aad lahaydba adoo noqonaya bilaa samir, sidoo kale qaadku wuxuu hoos u dhigayaa maskaxdaada maxaa yeelay wuxuu ku ridayaa fikir iyo jahawareer joogtaa sidoo kale khiyaali nololeed oo ah inta aad afka ku haysid, sidoo kale waxa suuro gal ah in marka u dambaysa uu samayn ku yeesho caafimaadkaaga maxaa yeelay marka aad in badan meel fadhidid oo dhidid, oo kici waydid, cuntid , cabtid, inaad qaado xanuuno kala duwan sida macaanka, tiibayda, iyo lugo xanuunka iyo qaar kaloo badan.

Cunista qaadka saadaashiisu waa nolol if iyo aakhiraba daran.

Bulshadii somaliyeed laba ayaa maanta cuduro waawayn ku ah sida Qaadka iyo Qabyaalada waana laba aynu gacanteena ku samayno sidaa daraadeed.

Taariikhaha ka waramaya Qaadka waxaa ka mid ah shiikh mahadhabak oo ahaa shaaficiyada macruufkaa (Axmed ibnu maxamed ibnul Xajaral haydami )wuxuu leeyahayAbuuBakar baa wuxuu ii soo sheegay in qaadkudadka ka murqaamiyo markay cunaanoo uu soo xasuusiyo wax yaabo ay waa hore ilaabeen marka uu mirqaanku ka baxana uu qofkii walac iyo war warla soo dersayo waxa kale oo uu qaadku sameeyaa buu yiri in manida raga in ay soo raacdo kaadida Abuu Bakar baa sidaa ku soo yiri , culima badan waxay isku raaceen in qaadku yahay Xaraan.

waxaan kula talin lahaa qof kasta oo cuna qaadka ama caba sigaarka inuu maanta ama wakhtigan uu akhrinayo qormadan uu dar ilaahay faraha kala baxo joojiyo, Haddii uu rabo intaas aan kor ku soo sheegay wanaagooda sida wakhti wanaagsan, camal wanaagsan, salaad wanaagsan caafimaad wanaagsan, sharaf, dadnimo, bulsho , shaqo wanaagsan, awood shaqsiyadeed iyo magacba.

Sidoo kale qofkasta inuu qabyaalad diid noqdo ayaan kula talin lahaa. Lana shaqeeyo qaranka caawiyo shacabkiisa baahan meelkasta oo ay joogaan.

Contact

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Mobile: 063-4400319

Email:farxaanmxd@gmail.com

Social Activists’

Free Journalism/Political analyst

Post number RP 183 Article

Berbera