Kooxda Tottenham lix daqiiqo dhul gariir Ku Riday Manchester United+Jaahwareerkii Ku Dhacay

0
Monday April 11, 2016 - 09:05:08 in by Burco Office
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Tottenham lix daqiiqo dhul gariir Ku Riday Manchester United+Jaahwareerkii Ku Dhacay

    Kooxda Tottenham ayaa garoonkeeda White Hart Lane ku soo dubatay dhigeeda Manchester United kulan lix daqiiqo dhul gariir ah ay Spurs ku kala dhantaashay Red Devils.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Tottenham ayaa garoonkeeda White Hart Lane ku soo dubatay dhigeeda Manchester United kulan lix daqiiqo dhul gariir ah ay Spurs ku kala dhantaashay Red Devils.

 Tottenham ayaa si deg deg ah ku burburisay hamigii Man United ee ahaa in ay kulankan natiijo fiican kala soo laabto kadib markii ay Bamidele Alli,Toby Alderweireld iyo Erik Lamela ay goolal is xig xigay guusha ugu horseedeen Tottenham. Guuldarada soo gaadhay Man United ayaa halis wayn sii galisaysa fursadii ay u haysatay in ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto.

Tottenham ayaa garoonkeeda White Hart Lane ku soo dhawaysay kooxda Manchester United, waxayna labada kooxood kulankan ciyaarayeen igaya oo u dagalaamayay laba ujeedo oo kala duwan. Kooxda martida loo ahaa ee Tottenham ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysay in ay kooxda Leicester City ay 10 dhibcood ka sare martay waxayna ku fikiraysay ay cadaadiska ku sii hayso kooxda hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Leicester City isla markaana waxay ka cabsi qabtay in guuldaro ka soo gaadha Man United ay aasi doonto fursada ay koobka ugu tartami karto.tottenham

Dhinaca Manchester United, waxay ku hamiyaysaa in ay kaalinta afraad kula tartanto kooxaha Manchester City iyo West Ham United oo waxayna kooxda Van Gaal maanka ku haysay in guuldaro ku soo gaadha White Hart Lane ay yarayn doonto fursada ay kaalinta afraad ugula tartami karaan Man City oo afar dhibcood ka saraysay

.

SHAXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Tottenham (4-2-3-1):Lloris; Walker, Alderweireld, Vertonghen, Rose; Dier, Dembele; Lamela, Eriksen, Alli; Kane.

Kaydka:Vorm, Trippier, Wimmer, Carroll, Chadli, Mason, Son

Manchester United (4-2-3-1):De Gea; Fosu-Mensah, Smalling, Blind, Rojo; Schneiderlin, Carrick; Mata, Lingard, Martial; Rashford.

Kadyka:Romero, Darmian, Valencia, Young, Fellaini, Herrera, Memphis4

Labada kooxood ayaa ciyaarta ku bilawday qaab ciyaareed ay ka muuqatay taxadar aad u badan gaar ahaan dhinaca difaaca waxayna koox kastaaba doonaysay in ay iska ilaaliso wax qaladaad ah oo dhibaato u horseedi kara.Man United ayaa bilawgii ciyaarta u muuqatay kooxda dardarta badan inkasta oo ay ku dhibtoonaysay in ay abuurto fursado xaqiiqi ah.

Intii u dhaxaysay daqiiqadihii 27 ilaa 29 aad ayaa noqotay waqtigii qaybta hore ugu xamaasada badnaa isla markaana ay Tottenham samaysay weerar dhul gariir ah oo dhawr jeer la fishay in ay la yimaadeen goolka furitaanka laakiin goolhaye De Gea iyo difaaca United ayaa ugu danbayn awooday in ay halista iska saaraan.

Fursada hore ayaa timid daqiiqadii 27 aad waxaana fursad fiican helay Harry Kane laakiinBlind iyo Smalling ayaa shaqo fiican ka qabtay sidii ay Red Devils halista uga saari lahaayeen laakiin daqiiqadii 28 aad Spurs ayaa helay fursad layaableh oo aan la rumaysan karin kadib markii uu Lamela lumiyay fursad dahabi ahayd kadib markii uuEriksen kubbad soo xormariyay goolka United, Lamela ayaa kubbad ku hor helay goolka United oo banaan ahaa lakaiin darbadiisa madax ahayd ayaa birta wax yar u martay.

Halka daqiiqadii 29 aad Walker shaqo wayn ka soo qabtay dhinaca midig isaga oo kubabda ku soo burburiyayFosu-Mensah laakiin Rojo ayaa awooday in uu halista ka saaro kooxdiisa United. Laakiin haddana labada kooxood ayaa qaybta hore ku fashilmay in ay sameeyaan hal bartilmaameed oo goolka ah waxayna qaybta hore ahayd mid inta badan khadka dhexe lagu dagaalamayay.

Qaybta hore ee kulankan ayayna labada kooxood awoodin in ay wax goolal ah kala dhaliyaan, waxayna wax kastaaba ku xidhnaadeen 45 ka daqiiqo ee qaybta hore. Waxayna labada kooxood ku kala nasteen barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybta danbe Manchester United ayaa la soo baxday qaab ciyaareed fiican waxayna bilawday inay halis ku abuurto kooxda Tottenham.Van Gaal ayaana shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray da’yarka Marcus Rashford oo ku dhibtooday kulankan wuxuuna kaydka uga yeedhayAshley Young oo dhaawac ka soo laabtay.

Fursadii ugu halista badnayd ee ay Manchester United kulankan ka heshay ayaa timid daqiiqadii 62 aad markaas oo uuAnthony Martial uu u muuqday in uu jabiyay ismari waagii kulankan laakiin darbo uu goolka Spurs la beegsaday ayuuHugo Lloris si fiican oo fantastik ah oo kooxdiisa uga badbaadiyay, ala maxay Tottenham sigatay!. Waqti yar ka hor fursada Martial waxaa isaguna Reds Devils fursad ka lumiyay Lingard.

DAQIIQADII 66 aad da’yarkaTimothy Fosu-Mensah ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray waxaana lagu soo badalayMatteo Darmian laakiin Tottenham ayaa markaliya la soo baxday qaab ciyaareed waali ah isla markaana duufaano aan la joojin karin ah, waxayna lix daqiiqo ku burburiyeen Manchester United.

DAQIIQADII 70 aad ayay Tottenham ayay Tottenham bilawday qaab ciyaareed waali ah oo aan erayo lagu sharixi karin taas oo sabab u noqotay in ay lix daqiiqo wax ka yar ay natiijada ciyaarta jeebka ku shubato. Waxaana goolka furitaanka ee ugu muhiimsanaa u keenay Bamidele Alli kaas oo si fiican uga faa’iideeyay kubbad uu ke helayChristian Dannemann Eriksen wuxuuna meel gaaban ka dhamaystiray kubbada uu Eriksen goolka United soo hormariyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Tottenham hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 74 aad Manchester United ayaa si sahlan ciyaarta ku lumisay kadib markii ay Toby Alderweireld u ogolaatay in uu si xoriyad ah madax uga dhex boodo isla markaana uu gool qurux badan Tottenham hogaanka ugu dheereeyay wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo uu Erik Lamela si fiican u soo tuuray, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay si deg deg ah Spurs hogaanka ugu dheeraysatay.

WAQTIGII CIYAARTA: Daqiiqadii 76 aad Tottenham ayaa xaqiijisay saddexda dhibcood kadib markii ay soo ciyaartay kubbad mar taabasho ah isla markaana uuErik Lamela si qurux badan udhamaystiray waxayna noqotay watigii ciyaarta ka dhigay mid lagu kala baxay isla markaana ay Tottenham ku muujisay in ay wali sii baacsan karto Leicester City, waxayna markan ciyaartu noqotay 3:0 ay Spurs hogaanka ugu raaxaysanayso.

Gabi ahaanba rajadii ay Man United ka qabtay in ay ciyaarta natiijo fiican ka hesho ayaa burbarutay waxayna Tottenham sii wadatay qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay la soo baxday.Daqiiqadii 78 aad Harry Kane ayaa qayb ka noqon gaadhay gool dhaliyaasha kulankan laakiin goolhaye David De Gea ayaa faraha iskaga saaray darbo uu madaxa ku darbeeyay, halka daqiiqadii 79 aad uuAlderweireld uu markale ku sigtay in uu Spurs u keeno goolka afraad.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa 13 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeeyay badalayHarry Kane iyoErik Lamela isaga oo badalkooda ciyaarta soo galiyayNacer ChadliHeung-Min Son, waxayna ciyaartu noqotay mid si deg deg ah loo go’aamiyay.

Dhamaadkii ciyaartaDembele ayaa helay fursad cajiib ah oo uu ku dhalin karay goolka afraad ee Tottenham laakiin goolhaye David De Gea ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay gool kale oo ceebta ku sii kordhi lahaa waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 3:0 ay Tottenham ku dubatay Man United. Haddaba akhriste miyay soo dhamaatay rajadii Man United ee kaalinta afraad?