Kooxda Leicester City Oo Markii Ugu Horaysay U Soo Baxday Champions Leaque-ga Xili Ciyaareedka Danbe

0
Monday April 11, 2016 - 09:20:24 in by Burco Office
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Leicester City Oo Markii Ugu Horaysay U Soo Baxday Champions Leaque-ga Xili Ciyaareedka Danbe

    Kooxda Leicester City ayaa taariikh cusub kooxdeeda u samaysay kadib markii ay si rasmi ah ugu soo baxday heerka groupyada Champions leaque-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Leicester City ayaa taariikh cusub kooxdeeda u samaysay kadib markii ay si rasmi ah ugu soo baxday heerka groupyada Champions leaque-ga

ee xili ciyaareedka danbe, waxayna taariikhdan dhigtay kadib markii ay 2:0 ku soo garaacday kooxda kaalmaha hoose ku jirta ee Sunderland oo ay qaybtii hore iska caabin wayn kala hortimid.

Kooxda Claudio Ranieiri ayaa markii ay guusha ka soo gaadhay Sunderland aragtay iyada oo White Hart Lane ay Tottenham ku garaacday Man United taas oo muujinaysa in Foxes ayna horyaalka ku dhamaysan karin meel ka hoosaysa kaalinta afrad xataa haddii ay wada guuldraysato kulamada u hadhay oo dhan.

Goalscorer Vardy is embraced by Leicester goalkeeper Kasper Schmeichel after the Danish stopper kept his fifth straight clean sheet

Leicester City ayaa hadda leh 72 dhibcood oo ay ka heshay 33 kulan oo Premier Leaque-ga ay ka ciyaartay, waxayna talaabo wayn ay sare ugu qaaday in ay taariikh kale u dhigto premier Leaque-ga isla markaana ay ku guulaysato koobka horyaalka Ingiriiska. Shan kulan oo kaliya ayaa ka hadhsan Premier Leaque-ga waxayna Leicester City ay 7 dhicbood ka horaysaa Tottenham oo kaalinta labaad ku jirta isla markaana guul dahabi ah ka gaadhay Red Devils.Vardy then rounded Mannone in the fifth minute of injury time to seal Leicester's fifth straight Premier League victory

 

Manchester United ayaa hadda u muuqata in ay waayayso booska afraad kadib guuldaradii Tottenham ka soo gaadhay waxaana suurtogal ah in Man City ay hadda fursad fiican u haysato in ay Red Devils ka hesho fursad ay kaga neefsan karto.

Foxes manager Claudio Ranieri conducts his players from the touchline during the Sunday afternoon tie at the Stadium of Light

Leicester City ayaa u baahan saddex guulood oo kaliya si ay ugu guulaysato koobka horyaalka,waxaana koobka premier leaque-ga ka xiga 270 daqiiqo oo kaliya, waxayna hadda u muuqataa in si dhab ah loo rumaysan karo in Foxes ay yaabkii xili ciyaareedkan ka midho dhalin karto dhawaan.