Xog Culus:Maamulka Carbeed Ee PSG Oo Doonaya Iney Jose Mourinho & Cristiano Ronaldo Ku Mideeyaan Horyaalka Faransiiska

0
Thursday April 21, 2016 - 09:19:32 in by Burco Office
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Culus:Maamulka Carbeed Ee PSG Oo Doonaya Iney Jose Mourinho & Cristiano Ronaldo Ku Mideeyaan Horyaalka Faransiiska

    Maamulka kooxda Paris Saint Germain ayaa doonaya iney horyaalka Faransiiska ku mideeyaan labada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka kooxda Paris Saint Germain ayaa doonaya iney horyaalka Faransiiska ku mideeyaan labada

nine e reer Portugal Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho sida ay ku warantay majaladda France Football.

Sky Sports ayaa fahantay in kooxda horyaalnimada faransiiska heysata ay dooneysa iney Mourinho ka dhigato macalinkeeda xiga xagaaga soo aadan.

Si kastaba kooxda markeedii afaraad qaaday horyaalka ayaa wajigabax kala soo kulantay Manchester City wareega quarter finalka Champions League, waxeyna doonayaan maamulka kooxda iney mustaqbalka kooxda hagaajiyaan.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay ineya ad u daneynayaan keenitaanka Ronaldo oo ay mudo badan ku raad joogeen iyo Mourinho oo la hadal hayo inuu hogaamin doono Man United xagaaga soo aadan.

Si Kastaba Ronaldo ayaan la ogeyn mustaqbalkiisa Madrid halka uu ahaan doono waxaana loo maleynayaa inuu tijaabin doono horyaal kale oo yurub ah ka hor inta uusan aadin Mareykanka oo uu ku riyoodo.

Ugu dambeyntiina Ronaldo iyo Mourinho ayaa si fiican usoo wada shaqeeyay 2010 ilaa 2013 markaas oo ay Madrid wada joogeen.