Maxa Ka Jira In Dalka Maraykanka Ay Kale Noqanayaan Muwadinadamada Dalkaasi Muftiga Wayn Sheekh Maxmed Idiris

0
Sunday May 08, 2016 - 19:08:25 in by salman abdi
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa Ka Jira In Dalka Maraykanka Ay Kale Noqanayaan Muwadinadamada Dalkaasi Muftiga Wayn Sheekh Maxmed Idiris

    Xukuumadda Federalka ee Maraykanka ayaa sheegtay in nin loo aqoonsan yahay Sheekh Muslim ah oo caan ah uusan lahayn niyad uu ku sii ahaado Muwaadin Maraykan (AU.S. citizen).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Federalka ee Maraykanka ayaa sheegtay in nin loo aqoonsan yahay Sheekh Muslim ah oo caan ah uusan lahayn niyad uu ku sii ahaado Muwaadin Maraykan (AU.S. citizen).



Xafiiska Xeer-ilaalinta Maraykanka ayaa doonaya inay Sheekh Maxamed Idris Axmed kala laabtaan Muwaadinnimadda Maraykanka oo la siiyey sannadkii 2003-dii.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu Sheekhu labo xaas leeyahay, isla markaana uu u safray meel ka baxsan dalka Maraykanka.

Wargeyska The Columbus Dispatch ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta qoray in Maxkamadda Federalka ee Columbus labo maalmood dhegeysteen Kiiska Sheekh Maxamed Idris Axmed dabayaaqadii bishii hore, iyadoo Xeer-ilaaliyayaaasha haystaan ilaa bishan May 27-da inay Garsooraha Maxkamadda Degmadda u gudbiyaan Faylka, si go’aan looga gaaro arrintaasi.

Waaxda Caddaaladda Maraykanka, waxay sannadkii 2012-kii dacwad ku soo oogtay Shiikha, oo ay tilmaamtay inuu 13 jeer dibedda uga socdaalay Maraykanka, ka hor shan sanno ka hor inta uusan Muwaadinimadda Maraykanka.

Sheekh Maxamed Idris Axmed oo 38 jir ahna Aabe 11-carruur leh waxa uu qirtay inuu u socdaalo Bariga Dhexe iyo Afrika, si uu u soo booqdo Qoyskiisa, oo uu ku jiro Wiilkiisa oo Jamaacad ka dhigan jirey Syria ka hor inta uusan dagaalku ka bilaabanin.

Dhinaca kale, G/xigeenka Masjidka Ibnu Tayminah, Abshir Xaaji ayaa sheegay inay Soomaalida ku nool Maraykanka cabsi ka muujinaysa Ammaanka Sheekh Maxamed Idris Axmed , haddii loo soo masaafuriyo dalka Somalia.

"Xag-jirayaasha waxay neceb yihiin hadalka Sheekh Maxamed Idris Axmed ee ka dhanka ah Kooxda Alshabaab” ayuu yiri Saciid Xaaji oo intaasi ku daray inuu Shiikhu ku dhiirigeliyo Muhaajiriinta u soo dhooftay Maraykanka inay qaataan dhalashadda dalkooda cusub.

Sheekh Maxamed Idris Axmed waa Caalim weyn oo ay aad u xushmeeyaan Ururka Islaamiyiinta ee Waqooyiga Maraykanka oo Xaruntiisa dhexe ku taallo magaalladda Minneapolis oo ay ku nool yihiin Jaalliyadda Soomaalida ee ugu ballaaran ee ku nool dalka Maraykanka.