"Waxaan cambaaraynayaa dhaqan xumadaas iyo ixtiraamdarada ay xukuumada Djibouti kula kacaday waftiga Somaliland" Xildhiban Dogox

0
Wednesday May 11, 2016 - 08:32:56 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan cambaaraynayaa dhaqan xumadaas iyo ixtiraamdarada ay xukuumada Djibouti kula kacaday waftiga Somaliland" Xildhiban Dogox

    Xildhibaan Saleebaan Dodox oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimadda Hargaysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Saleebaan Dodox oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimadda Hargaysa,

ahna Aqoonyahan xor ah oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo guuray Dalka Canada oo uu degenaan jiray, ayaa noqday Siyaasigii labaad ee soo labeeya Cabdillaahi Geeljire, ee canbareeya fool xumadii iyo bahdilaadii Xukuumadda Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele ku sameeyay Madaxweynaha Qaranka Mud. Axmed Maxamed Silaanyo. Xildhibaan Saleebaan Dogox ayaa qoraal uu ku baahiyay bogiisa Facebook-ga wuxuu u dhignaa sidan.


Sc dadkaygoow.


Arrinta Djibouti waa arin anigu dareen ahaan qabo inaanay waligeed Djibouti ahayn dal ka daacada jiritaanka Somaliland. Somaliland ayaa ku jirtay khayaali iyo riyo inay Djibouti danaynaso Somaliland.
Xurmadarada ku dhacday waftigii Somaliland ee madaxwaynuhu hogaaminayay waa mid badheedha oo si aan gabasho lahayn loogu bahdilay waftigeena.

Waxaan cambaaraynayaa dhaqan xumadaas iyo ixtiraamdarada ay xukuumada Djibouti kula kacaday waftiga Somaliland.
Waftigeena, XUKUUMADEENA IYO MADAXWAYNAHEENU MIDNA DAMBI KUMA LAHA.

Waxaan ku baaqayaa in aan dhamaanteen cambaarayno, cod dheerna ugu sheegno Djibouti inaan aqbalin qaabilaadaa daciifka ah.


Thanks

Xildhiban Saleban Dahir Dogox