Africa:Xildhibaan Ka Soo Jeeda Dalka Jabuuti Oo Loo Doortay Madaxwayne Ku Xigeen Barlamaanka Afrika+Sawiro

0
Thursday May 12, 2016 - 09:24:33 in by salman abdi
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Africa:Xildhibaan Ka Soo Jeeda Dalka Jabuuti Oo Loo Doortay Madaxwayne Ku Xigeen Barlamaanka Afrika+Sawiro

    Shirka Baarlamanka Afrika Pan African oo lagu qabtay doorashada madaxweyne ku xigeenka labaad ee Pan African ee xildhibaanada Gobolka Afrikada Bari, ayaa waxaa ku loolamaayay Laba Xildhibaan oo kasoo kala jeeda Dalalka Djibouti iyo South Sudan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Baarlamanka Afrika Pan African oo lagu qabtay doorashada madaxweyne ku xigeenka labaad ee Pan African ee xildhibaanada Gobolka Afrikada Bari, ayaa waxaa ku loolamaayay Laba Xildhibaan oo kasoo kala jeeda Dalalka Djibouti iyo South Sudan.



Labada Xildhibaan ee uu loolanka u dhexeeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Safiyo Cilmi Jabriil oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Jabout iyo Xildhibaan Charles Majak oo u dhashay dalka South Sudan.

Shirka Baarlamanka Afrika Pan African waxaa guud ahaa ka qeybgalay Xildhibaano gaaraya 140 oo kasoo kala jeeda wadamada Africa.


Xildhibaanada ugu badan ayaa si nadiif ah codka u siiyay Xildhibaan Safiyo Cilmi Jabriil oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Jabout waxa ayna sidaa ku heshay Cod dhan 105, waxaana sidaa ku haray Xildhibaan Charles Majak.

Xildhibaan Safiyo Cilmi Jabriil, ayaa codadka ugu badan ka heshay Xildhibaano Soomaali ka kala soctay wadamada Somalia, Ethiopia iyo Kenya oo xubno muuqda ka ah Baarlamaanka Afrika.

Gudoonka Baarlamaanka Pan African, ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Afrika, ay noqoneyso Xildhibaan Safiyo Cilmi, waxa ayna halkaasi kula wareegtay Safiyo dhamaan dukumiintiyada.

Xildhibaan Safiyo Cilmi Jabriil waxa ay madasha ka sheegtay in sida loo siiyay Codadka si lamid ah ay ula imaan doonto isbedel.