Faallo:Maxaa Keenay In Dhawaaqa Dawlada Hoose Ee Burco Laga Maqlo Daafaha Caalamka Iyo Xildhibaanada Qaar Kood Oo Maalin Walba Hortaagan Tvyada Intay Umadii Soo Dooratay U Adeegi Lahaydeen?

0
Tuesday May 27, 2014 - 05:18:56 in by London Office
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:Maxaa Keenay In Dhawaaqa Dawlada Hoose Ee Burco Laga Maqlo Daafaha Caalamka Iyo Xildhibaanada Qaar Kood Oo Maalin Walba Hortaagan Tvyada Intay Umadii Soo Dooratay U Adeegi Lahaydeen?

    Faallo:Maxaa Keenay In Dhawaaqa Dawlada Hoose Ee Burco Laga Maqlo Daafaha Caalamka Iyo Xildhibaanada Qaar Kood Oo Maalin Walba Hortaagan Tvyada Intay Umadii Soo Dooratay U Adeegi Lahaydeen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco dawlada hoose
Faallo:Maxaa Keenay In Dhawaaqa Dawlada Hoose Ee Burco Laga Maqlo Daafaha Caalamka Iyo Xildhibaanada Qaar Kood Oo Maalin Walba Hortaagan Tvyada Intay Umadii Soo Dooratay U Adeegi Lahaydeen? Burco-Maxaa Keenay In Dhawaaqa Dawlada Hoose Ee Burco Laga Maqlo Daafaha Caalamka Iyo Xildhibaanada Qaar Kood Oo Maalin Walba Hortaagan Tvyada Intay Umadii Soo Dooratay U Adeegi Lahaydeen?

Tan iyo markii la soo dooortay golaha deegnanka magaalada burco ayaa waxaa iska daba imanaaya qaylo iyo buuq aan kala joogsi lahayn oo ka soo burqanaaya qaar ka mida xildhibaanda dawlda hoose iyo masuuliin kale.Dawlada hoose ee degmada burco ayaa ah mid ku cucub shaqada loo soo doortay waxaana kala badan xildhibaanda iyo dhaqaalaha dhex yaala oo aan u qaybsami karayn 22 xildhibaan inay salaada boorsooyin kooda la wada kalahaan si ay ugu soo guraan dhaqaale ay dantooda gaarka ah ku daboolaan.

Taa marka laga yimaado waxaa jirta khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xildhbaanada iyo maayirka degmada burco tan iyo markii la soo doortay waxaana uu ku saleeysan yahay inay qaar ka mid ahi hanti ka raadiyaan cashuurta yar ee umadu bixo halka xildhibaanada qaarkoodna ku eedaynaso maayirka iyo ku xigeenkiisa inay lunsadeen dhaqaale aad u badan oo la musuqmaasuqay waa sida ay hadalka u yidhaahdeene.

Dhinaca kale waxaa jirta kursi jaclaysi dhex yaala 22 xildhibaan oo badan koodu rabaan inay maayirka ka tuuran kursiga si looga dhigo maayirka magaalada burco ,taasna waxay u adeegsadaan dacaayado badan oo ay ka midka tahay dhinaca saxafada oo burco qudheedu oo saamayn ku leh bunbuuninta wararka dhexyaala golaha deegaanka burco, laakiin gudanaysa waajibaad kooda saxafiyadeed badan koodu",.

Hadaba Waxaa jirta in maayirka burco uu ku yarr yahay warbaahinta ka hadalkeeda kaliyana lagu arko marka ay hurumar ama xafflado jiraan ee xadhiga laga jaraayo.??
Waxaa Labadii todobaad soo ifbaxaaya murankii la asturaayay oo gaadhay in been iyo runta ay xildhibaanada degmada burco isu adeegsadaan warbaahinta kala duwan maalin walbana aad ku arkayso nin lagu sheegayo in uu madax yahay oo dadku soo doortay hadana aan ku hadlayn wax munaasiba ee ka hadlaaya hungiri iyo maxaa wax laysiin waayay taasina waxay sababtay in hada laba darif loo kala fadhiyo golaha deegnka burco?
laba garab ee loo kala fadhi dawlada hoose ee burco ayaa ah sadex waji oo kala duwan , mid waa xildhibaanada qaar kood oo ku duulaan ah kursiga maayirka rabana in ay meesha maruun ku fadhiistaan si ay dhaqaale uga helaan, ta labaad waxa ay daaran tahay in xildhibaanda qaarkood laalush joogto ah ka qaatan maayirka burco oo hada ay ku maqan yihiin marka ay ka dhamaatana xaga danbe ka soo huriya dabka, ta sadexaad ayaa ah xildhibaanda qaar kood oo daacad ah rabana inay dadka soo doortay wax u qabtaan lakiin aan haysan wax la yidhaahdo(Team Work) Cid la shaqaysaa aanay ku suganayn golaha deegaaka degmada burco markaa gooni u yaaban dushana ka fiirsanaaya filmka aan dhamaan.

Dhinaca maayirka iyo ku xigeenkiisa waxaa uu leeyihiin dhaliil ku salaysan wax maqlid la,aan oo ay ka cabanayaan xildhibaanadu ama ay odhanayaan waaayahay lakiin ay kaga baxyaan ha iska hadaleene howsha inoo wad ,maayirka iyo ku xigeenkiisu madaama ay yihiin masuulka dawlada hoose ee burco hogaan kooda waxayna ahayd inuu isugu yeedho gabigoodaba kana dhagaysto khalad iyo saxba,sida uu isagu u arko wax ka badalo oo marmar waxaaba fiican inaad dadka ama group kula shaqaynaaya saxsanyihiin ee aad ka uruuriso rayigooda kana qaadatid inta kaa anfacda.

"Hadaba shacabka reer burco ayaa la odhan karaa waxay yihiin kuwa ugu fiican ee xil loo qabto somaliland oo dhan marka laysu geeyo uguna gacanta wayn madaama maalin walba lacag laga uruursanaayo lagu magacaabay dawlada hoose cashuur oo ay ka dhex qaalinayaan tvyada , yagoona lacagtaas ay shacabka reer burco ka uruuriyaan aan waxba ugu qabanayn ee ay ku dhacayso boorsooyinka waawayn ee ay soo tosheen ka hor intanay meesha iman.

Dadku hada waa ilbax waana la socdaan casriga aduunka ee waxaa fiican in xildhibaan kasta ogaado tariikhda ayaa qoraysa oo dadwaynaha ayaa la xisaabtami doona maalin maalmaha ka mida ah xisaabtii rabina waa u hadhsantahay, ee halaga daayo khiyaamada dadka idin soo doortayna wax u qabta intaad gaadhiyaal isku gurtan siigo ha ku dhaafine,Wajibka xildhibaanka ayay khalad ka fahmayn ayaanu odhan karnaa.


Maxamed Xasan
Burco/Somaliland
Emial:Maxamedxx1_x@gmail.com