Fahan Qiimaha Haweenka:-WQ: Mustafe-Shaybe

0
Tuesday May 27, 2014 - 08:26:40 in by Super Admin
  • Visits: 2816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahan Qiimaha Haweenka:-WQ: Mustafe-Shaybe

    Dumarku mar waa hooyo,waa dhaxdin,waa ayeeyo,waa walaalo,waa eedo meelna kama tagayso marnaba waana Hu ilahay inagu Asturay oo inoogu nimceeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dumarku mar waa hooyo,waa dhaxdin,waa ayeeyo,waa walaalo,waa eedo meelna kama tagayso marnaba waana Hu ilahay inagu Asturay oo inoogu nimceeyay.

Fahan Qiimaha Haweenka:-

Qiimaha iyo qiyimka haweenku maaha wax qalin iyo qoraal lagu soo koobi karo,haweenku waa nalka iyo iftiinka aduunka waana nimco ka mida nimcooyinka ilahay ugu deeqay Aadamaha Aduunka ku uman.

Markii Illahay aduunkan abuuray ee uu nabi Aadam alle abuuray ayuu illahay si ay aduunyadu is kugu dheeli tirnaato Xawana ka jeexay Feedhiisa Bidix. Haweenku waa halbawlaha nolosha waana quruxda iyo sharafta Ibnu adamka waxana mudan oo haboon in la fahmo qiimaha ay ku dhex leeyihn bulshada.

Dumarku mar waa hooyo,waa dhaxdin,waa ayeeyo,waa walaalo,waa eedo meelna kama tagayso marnaba waana Hu ilahay inagu Asturay oo inoogu nimceeyay.

Qoraalo badan iyo maqaalo badan ayaa laga diriyay haweenka iyo Heerka ay lee yihin somalidu aad ayay uga Gabyeen oo uga faaloodeen haweenka hadaan soo qadano Qaar ka mida Maan-sooyinka ay somalidu ka Tiriyeen Haweenka waxan soo qadanaya Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) sida Hooyay La,anta iyo Hablaha Geeska Ilahay Cimriga haw barakeeyo camal saalaxaiyo cimri dheerna alle ha siiyee.

.Hooyooy la'aantaa

.Aduunyadu hubaashii

.Habeen kama baxdeenoo

.Iftin lama heleenoo

.Dadku uma hayaameen

.Xiddig hawd ka lulatoo

.Sida haad ma fuuleen

.Dayax heego joogoo

.Hubka laguma tureen

Abwaanku waxa uu cabirayaa oo uu ii noo sheegayaa qiimaha iyo cisiga ay hooyadu lee dahay iyo inan la,aanteed qofna horumar gaadheen oo aanu meel ka muuqdeen Hooyo la,anteed. Hooyaduna ay tahay warshada soo saarta dadka qiimaha leh ee adeeunka horumarka ka gaadha ee meel ka muuqada.

Abwanku isaga o sheegaya inaan nina aduunka kalinimo ku noolan Karin oo ayna qiimo lahayn kalinimda iyo inaad Tiraah anigu guursan maayo waxa uu inoo sheegayaa oo uu ina sinayaa Daliil cad oo ku tusinaya Qiimaha haweenka. Abwaanku waxa uu yidhi

 

.Kuma galo adduunyada

.Ninna goonni-socodkoo

.Marwo garasho dheer baa

.Ninka raga u gudinoo

.Iyadaa guddoonkiyo

.Gadh-hayaa naftaadiyo

.Gaadiidka reerkiyo

.Gurgurshaaga noqotoo

.Arrin kula gorfaysee

.Haddaan gaari kula jirin

.Illaa noloshu guul ma leh

Markaad u fiirsato ee aad dhuuxdo labadan maanso waxa meesha kaga soo baxaya Akhriste in sabankanmaanta ah la qalad fahamay qimaha iyo xaqii ay hawenku ku lahayeen nolosha haday tahay xag shaqo iyo xag aqooneedba. Maansadu waxay inoo sheegaysaa Gaaridu inay tahay mida arin iyo tolaba kula gorfeysa ee maal kula dhigta ee aad la tashanayso,markaad maansadan Akhrisato waxad Ogaanaysaa Akhriste in wax badan la qalad fahan sanyahay.

Alle markuu Haweenka abuuray ugama uu dan lahay inay noqdaan wax liita oo la quudhsado waa siday hada in badan oo bulshada somaliyeed ah ay aamin sanyihiin iyo weliba qaar ka mida dawladaha Islamka haba ugu horeeyo Sucuudigan aad moodo inuu Diinta ka masuul yahay hadana siduu Doono ugu tumanaya Qaxii iyo Xuquudii Haweenka.waxaaba uu heer marayaa isagu waa sucudiigee inuu yidhaah lama arki karo Gabdh dabada maraysa oo aan Indho-sharer sidan Diintana may naan ku araga inuuWajibyahay Indho-shareerku.. Lakiin waxaan ognahay inuu yahaySune.Taasnina mahaa wax saxa hadanay diintu Waajib ka dhigin in sidaa loo adeegsadaa.

Somalida lafteedu wax badan kama so keeyeen oo Dumarka ma siiyaan Xaqii iyo Qiimayntii ay la haayeen sikaba Daaa Qax ay siiyaane hadaa kama helaan Jacaylkii la noolaashaha lamaana{ Nin somaliyeed ayaa waxaa lagu yidhi waa Hebel xaaskaga ma jeceshahay}} ninkii Isaga oo isla fiican afkana Kor u tagya ayaa waxa uu ku Jawabay oo maxaan ka jeclahay waban Qabayee caajiib.

Nin kale ayaa isna waxa uu guursaday Nin yar oo nolosha cusub la haysata, marku maalmo guurkoodi kazoo wareegay, ayay malintii danbe Qadidii miiska cuntada u soo saartay . markuu qadadii ku bilabay cunistii ayay damacday in ay la qadayso iyana ilayan waa saygeediiye ,markuu arkay marwadii oo dhanaagaa gacanta ka soo gelisay cuntadii ayuu Dalqad u yeedhiyay oo uuba furay,markii laysku soo golo fadhiistay, ayaa lagu yidhi waar maxaad ku furtay xaaskaaga. Ninkii isaga oo isla saxan waxa uu ku jawabay maxay ii sugi wayday hanbo nin wayn ayaan u soo reebi lahaaye.

Taasi waxay ina tusaysaa halka aynu ka joogno xaqa iyo xuquuda ahweenka waa hadaynu nahay somalida.waa aqoon dari iyo jaahilnimo halki ugu xumayd,in heerkaa aynu la gaadhno haweenkeena kaba sii darane markaad bulshada la sheekaysato hadiiba laga dareemo,inaad garab siinayso haweenka waaba lagula yabayaa oo waxa lagu qorayaa nin walan.hadaanba lagu odhan kan badh naaga ah muxuu ahaa ee ahweenka u xaglinaya, caajiiiiiiiiiib

Haweenka looma abuurin inay dadka ka hooseeyaan, ama ay ka liitaan, oo layaso, waa siday in badan oo bulshadeeena ahi aaminsan yihiin hadaad la sheekaysatee. Balse waxaa loo Abuuray in ay noqdaan Asturaad ku Asturta iyo Tiirka Ugu Muhiimsan,noloshaada,inay noqdaan Warshad soo saarta Ubad Tayo leh oo fiican. maalin maalmaha ka mida ayaan waxaan dhagaystay sheikh kamida shuyuukhda somaliiyed oo ka hadalaya Qiimaha iyo Xaquuqda ahweenka, maruu ka hadlayay gabadhu ma shaqayn kartaa waxa Hadaladisii ka mid ahaa(Haweenayda haduuna ka dayacmayn Gurigeedii ,caruurteedii iyo Xaqiii ninkeedu waa ay u banaantahay inay ay shaqaso wax u diidayana ma jiraan). Waa run oo waa sax hadayna intaasi imanayn inay hesho xaqeedi shaqo waana inay ku shaqaysaa Cilmigii ay bartay.

Weli intaad kalidaa meel fadhiisatay mays wadiday su,alahan, hadaad laakiin is waydiiday maxa jawaba oo ku soo baxay.?hada bal ila eeg su,alahan. Ilahay muxuu hawenka uga abuuray Feedh? Maxa loo doortay Dhana Bidixa?maxaa lafaha kale looga abuuriyay haweenka??.

 

Markaad damacdo inaad Waa su,aalahan ka jawaabto aad ayay u culisyihin mana aha su,aalo sahlan balse markaad xaga kale ka eegto Ruux Aqoon leh way u fududyihin inuu ka jawaba??Akhriste waan ogahay markaan kaaga jwabo su,aalahan inaad wax badan oo manta jira uga garaabi doonto Haweenka.

1.Illahay markuu Nabiyunaa Aadam Aabuuray ayuu Xaawana ka abuuray feedhiisa Bidix, Xigmada ku jirta inuu ilahay Feedhaha Doortay waay tahay. Inay haweenaydu kuu noqoto mid garabkaaga taagan oo dhib iyo dheefba kula qaybsata,oo ku barbar tagab mar kasatba.

2.Dhanka bidix waxaa loo dortay waa dhiicii uu ku jiray Wadnuhu oo ah xubinta ugu Muhiimsan Jidhkeena, waxayna ka turjumayaa inay kuu noqoto shay aad u qaaliya oo Qiimo badan isla markaana aad wadaagtaan Muxibo iyo kal gacal Qiimo leh iskuna Jiidh iyo Diirnaxdaanabid intaad wada joogtaan waana taas ta loo doortay Feedha Bidixda.

3.Lafaha kale waxaa looga abuuri wayay hadii Madaxa laga abuuri lahaa waxaa ladiidaya inay iska kaa saraysiiso oo ay ku taliso haweenaydaadu, Hadii Lugta laga abuuri lahana waxaa la diidaya inaad ka soo qaado waxaan qiimo lahayn oo aad xaqeeda ku tomato.

Akhriste waxan filayaa inaad wax badan ka dhugatay , oo Aad ka fahan tahay maqalka,waxan filaya Akhriste inaad jawabo u heshay su,aalo badan oo kugu tagnaa si aad u maraysana ad garan la,ayd..

Gabagabada maqaalka waxaan ku soo afmeeraya, oo aan ku soo saameelayaa maqaalkan aadka u kooban, talooyin gaagaaban .

.Haka dhigin heweenaydaa sidii qof shisheye ah oo kaa fog

.Ha noqoto haweenaydaa Sirhayagaaga Koobaad ee nolosha

.Haweenaydaada u ogolaw inay kula arimiso oo kula taliso arimaha reerka

.Ha nooqto oo ka dhigo haweenaydaa mid mar walba garabkaga ah

.Ha dhigin haweenaydaada kaba haaga oo kale oo saad sonto hagu xadgudbi.

.Haweeynaydaada tus inaya duunka xaq u le dahay inay ku noolaato oo ayna nolosheedu ku koobnayn inay cunto kariso ubadna dhasho bas.

 

ŲHaweenku waa nimco alle inoogu deeqay,Waana Nalka maanka daara

ŲHaweenku wa Quruxda aduunka,Waana Qiimaha Nolosha

ŲNinkii Ragee heer gaadhaba Gabdh Fiican ayaa K adanbaysaa oo gaadhsiisay,

ŲNinkaa Gabdh fiican waligaa ma gaadhid


NB:-Wixii ceebala ama talo ah waxaad ku soo gudbinaysaan idinkoo mahadsan Ciwaankan hoos ku xusan:


ŲDiiriye331@gmail.com

ŲW/Q/MustafaAhmed Dirie(sheybe)

ŲEgypt= Cairo

ŲCairo Univesity