Vicente del Bosque Oo Diiday Inuu Tababare U Noqdo Man United.

0
Wednesday May 28, 2014 - 12:27:02 in by Super Admin
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Vicente del Bosque Oo Diiday Inuu Tababare U Noqdo Man United.

    Man United ayaa iska cayrisay tababareheedii hore ee David Moyes lakiin waxay tababare u magacaabeen Van Gaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United ayaa iska cayrisay tababareheedii hore ee David Moyes lakiin waxay tababare u magacaabeen Van Gaal

Tababaraha xulka qaranka Spain Vicente del Bosque ayaa iska diiday dalab ay ula timid kooxda Man United si uu tababare ugu noqdo xili ciyaareed ka danbe.

Wargayska AS ayaa sheegaya in kooxda Man United ay aad u bartilmaameed sanaysay tababaraha xulka qaranka Spain lakiin Vicente del Bosque ayaa iska diiday dalabka United isagoo sheegay inuu doonayo inuu sii layliyo xulka Spain ilaa Euro 2016.

Man United ayaa iska cayrisay tababareheedii hore ee David Moyes lakiin waxay tababare u magacaabeen Van Gaal kaas oo kooxda laylin doona xili ciyaareed ka soo socda.

Wargayska ayaa intaa sii raaciyay in Vicente del Bosque uu dalab ka helay 2011 kooxda Inter Milan lakiin tababarahaan ayaa sidoo kale iska diiday dhamaan dalabyadaas isagoo sheegay inuusan qorshaynayn inuu katago laylinta qaranka Spain.




afkashacabka.com /Sports
contact@afkashacabka.com