Hordhac: Germany v Italy Ee Wareega 8 Euro 2016 – Jarmalka Oo Raadinaya Guushoodii Ugu Horeysay Ee Tartan Caalami Ah Oo Ay Ka Gaaraan Azzurri.

0
Saturday July 02, 2016 - 17:57:35 in by Burco Office
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Germany v Italy Ee Wareega 8 Euro 2016 – Jarmalka Oo Raadinaya Guushoodii Ugu Horeysay Ee Tartan Caalami Ah Oo Ay Ka Gaaraan Azzurri.

    Kulanka: Germany v Italy Garoonka: Matmut Atlantique Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Viktor Kassai (Hungary)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Germany v Italy Garoonka: Matmut Atlantique Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Viktor Kassai (Hungary)

Italy ayaa sideed jeer tartamada heerka caalami ka hortimid Germany, waligeedna guuldarro kama soo gaarin. Afar jeer oo isku wajaheen wareegyada kala baxa waxa ay afarta jeerba garaaceen Jarmalka iyadoo ay ugu danbeysay semi-finalkii Euro 2012 waana rikoor cajiib ah.

Laakiin xulka heysta Koobka Adduunka ayaa doonaya inay taasi caawa bedelaan, waxaana ay aaminsan yihiin in Italy aysan aheyn sidii hore.

Mid ka mid ah dagaalada ugu cajaa’ibta badan ee Bordeaux waxa ay noqon kartaa daafacyada iska soo horjeeda. Goolka kaliya ee Italy laga dhaliyay tartankaan waxa ay timid iyadoo aysan isla ciyaareynin daafacyadooda caanka ah ee BBC (Barzagli, Bonucci iyo Chiellini) kulankii Republic of Ireland.

Daafac afarta danbe ee Jarmalka iyagana si la mid ah ayay cajaa’ib u leeyihiin, waana xulka kaliya ee tartanka Euro 2016 ee aan gool laga dhalinin afartii kulan ee ay soo ciyaareen.

GERMANY_VS_ITALY_grande

MAXAA KA CUSUB?

Germany ayaa heysata koox taam ah oo ay ka soo xushaan shaxdooda ka dib markii Jerome Boateng, Julian Draxler iyo Sami Khedira ay ka soo kabsadeen dhaawacyo yaryar.

Italy ayaa qiimeyn doonta xiddiga khadka dhexe Daniele De Rossi kaasoo lagu qasbay inuu dhaawac muruqa ah uga soo baxo kulankii Spain.

Xiddigii ku haboonaa inuu ka bedelo shaxda Thiago Motta isna waa ganaax, halka xiddiga garabka ka ciyaara Antonio Candreva uu isna mar kale dhaawac ku maqnaanayo.

Haddii De Rossi uu awoodi waayo inuu ku soo bilowdo kulanka maanta oo sabti ah, markaas Stefano Sturaro ayaa loo soo dalacsiin doonaa shaxda.

Xulka Talyaaniga waxa ay heystaan 11 ciyaaryahan oo hal jaale u jira inay seegaan kulanka semi-finalka haddii ay u soo baxaan – Andrea Barzagli, Leonardo Bonucci, Gianluigi Buffon, Giorgio Chiellini, Daniele De Rossi, Mattia De Sciglio, Eder, Lorenzo Insigne, Graziano Pelle, Salvatore Sirigu iyo Simone Zaza.

Dhanka Jarmalka, Boateng, Khedira, Mats Hummels, Joshua Kimmich iyo Mesut Ozil ayaa iyaga hal jaale u jira inay seegaan sem-finalka haddii ay u soo baxaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Germany: Neuer; Kimmich, Boateng, Hummels, Höwedes; Kroos, Khedira; Müller, Özil, Draxler; Gomez.

Italy: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Florenzi, Sturaro, Parolo, Giaccherini, De Sciglio; Pellè, Éder.

MA OGTAHAY?

  • Xulalka Talyaaniga iyo Jarmalka waxa ay ciyaareen 33 kulan, 15 kulan oo ka mid ah waxaa badisay xulka Azzuri halka Germany ay badiyeen sideed kulan, waxaana ay barbaro galeen 10 jeer.
  • Germany waligeed tartan caalami ah kuma garaacin Italy sideed kulan oo ay ciyaareen. Afar barbaro iyo afar guuldarro ayay kala kulmeen Azzurri.
  • Germany iyo Italy kulankoodii ugu danbeeyay waxa uu ahaa horaantii sannadkaan markii ay Germany 4-1 kaga badiyeen Italy kulan ka dhacay Munich. Waxa ay aheyd guushoodii ugu horeysay ee ay ka gaaraan Azzurri tan iyo bishii Juun 1995.