War Deg Deg Ah: Al-Shabaab oo dib ula wareegay degmo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Bakool

0
Saturday July 02, 2016 - 18:12:09 in by Burco Office
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Al-Shabaab oo dib ula wareegay degmo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Bakool

    Dagaalyahano taabacsan Al-shabaab ayaa la wareegay degmada Rabdhuure oo ka tirsan gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano taabacsan Al-shabaab ayaa la wareegay degmada Rabdhuure oo ka tirsan gobolka Bakool. Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaaliba leh oo degmadaas ku sugnaa labadii sano ee la soo dhaafay ayaa xalay halkaas baneeyey, lamana oga sababta ay uga baxeen.

Goob joogayaal ku sugan degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegay xoogaga Al-shabaab ay halkaas soo galeen saacado ka dib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada.

Ma jiro hadal ka soo baxay maamulka Koonfur galbeed oo ku saabsan arrintan oo dhabar jab ku ah hadal dhowaan maamulkaas uu ku sheegay inuu bilaabayo howlgalo Al-shabaab looga sifeynayo gobolada Bay iyo Bakool.