Ozil, Payet, Ramsey & Giroud Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxdii Ugu Fiicneed Quarter Finalka Euro 2016, Yaa Kale Oo Ku Jira?

0
Tuesday July 05, 2016 - 10:18:48 in by Burco Office
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ozil, Payet, Ramsey & Giroud Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxdii Ugu Fiicneed Quarter Finalka Euro 2016, Yaa Kale Oo Ku Jira?

    Xalayto ayaa lasoo afjaray wareegga sideed dhamaadka tartanka qaramada qaaradda yurub (Euro 2016) waxaana lagu soo xiray kulan ay martigaliyayaasha tartanka shan gool ku xasuuqeen xulkii ka yaabiska ahaa ee Iceland kuwaas oo horay daaqadda uga tuuray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalayto ayaa lasoo afjaray wareegga sideed dhamaadka tartanka qaramada qaaradda yurub (Euro 2016) waxaana lagu soo xiray kulan ay martigaliyayaasha tartanka shan gool ku xasuuqeen xulkii ka yaabiska ahaa ee Iceland kuwaas oo horay daaqadda uga tuuray England.


Olivier Giroud ayaa noqday xalay geesiga kulanka markii uu laba gool dhaliyay sidoo kalana Griezmann ayaa dhaliyay gool caaqibo leh iyadoo Payet iyo Pogba ay min gool shabaqa dhex dhigeen.

Euro 2016 team of the quarters ???

Si kastaba wareeggaan waxaa ka dhacay kulamo aad u muhiim ah oo waaweyn. Wales ayaa daaqadda ka tuurtay Belgium markii ay 3-1 ku dhufteen, waxaana Wales shaxdaan uga jira sadex xidig waana Robson Kanu, kabtan Ashley Williams iyo Aaron Ramsey.

Sidoo kale Portugal ayaa rigooreyaal ku reebtay xulka Poland iyadoo Renato Sanches uu wacdaro dhigay wuxuuna ka mid noqday shaxda kooxda ugu fiican.

Kulankii dhexmaray Jarmalka iyo Azzurri waxaa laga soo xushay afar xidig waana goolhaye Manuel Neuer oo badbaadooyin fiican sameeyay markii la gaaray gool ku laadka Leanardo Bonucci oo barbaro u keenay Italy, Ozil oo hogaanka u dhiibay Jarmalka iyo Hummels oo si fiican daafaca ua dkeeyay.

Shaxdaan waxaa soo saaray shabakadda ciyaaraha caalamiga ah ee Goal.com, iyada ayaana website-keeda kusoo bandhigtay.

SHAXDA GOAL.COM EE QUARTER FINALKA

M. Neuer, L. Bonucci, M. Hummels, A. Williams, D. Payet, A. Ramsey, M. Ozil, R. Sanches, A. Griezmann, Robson-Kanu, O. Giroud.

Euro 2016 team of the quarters