Furiinka Dag-daga ah Maxaa Keena. W/Q/Mustafa Ahmed Dirie(sheybe)

0
Thursday May 29, 2014 - 12:22:25 in by Super Admin
  • Visits: 5719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Furiinka Dag-daga ah Maxaa Keena. W/Q/Mustafa Ahmed Dirie(sheybe)

    Waxaan qalinka u qaatay ee aan keliday cidlo u fadhiistay ayaa ah wax sida leebka igaga ganan wadanaha badhtankiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan qalinka u qaatay ee aan keliday cidlo u fadhiistay ayaa ah wax sida leebka igaga ganan wadanaha badhtankiisa

Furiinka Dag-daga ah Maxaa Keena.

Waxaan qalinka u qaatay ee aan keliday cidlo u fadhiistay ayaa ah wax sida leebka igaga ganan wadanaha badhtankiisa,iguna haya dhib baaxad weyn oo qalbigaga ku soo noqnoqnaysa marar badan. Qisadan aan qalinka u qatay ee aan ugu magac darayFuriinka Dag-Daga ah maxaa keena, waa dhib aad u weyn oo ku baahaday wadankeena ama gayiga soomaaliyeed hadaanan odhanba calamka islaamka. Tusaale dalka Isutaga imaradka carabta waxay sheegaan khubarada Arimaha Bulshadu sanadkii inay is furaan dad gaadhaya 1.000.00 Hal miyan oo qoyas.

ŲDadadbadan ayaa waxay ceeb u yaqanaan inay ka soo baxaan waajib kooda nolosha, wuxuu ceeb u yaqaanaa gabadhiisa wuu jeclyahay, waxay ceeeb u taqanaa ninkeeda way maqashaa oo way ka amarqadataa.

Wuxuu ceeb u yaqanaa/waxay ceeb u taqanalamanahaga u naxariiso oo kula hadal ereyo macaan sida xbbi,gacaliye/so/mcn/qaali/noloshaydii iwm

ŲFidmo waa badan tahee dadbaa jira haday arkaan nin xaaskiisa jecel oo la shaqeeya markuu jooga guri odhanaya way falatay waa mid dhaan-dhaana oo gabadha ayuunbuu hoosta kaga jiraa oo guriga kama baxo cajiib.cajiib,cajiib..

ŲBalaayo looma taag helee Dadbaa jira haday arkaan lamaane nolosha isla helay oo ay isugu duba dhacday jacaylna ku bineeyay gurigooda u hawl-galaya labadaa qofisku dirkooda iyo kala kaxayntooda, cajiib.cajiib.cajiib.cajiib,,

Hadaba aan hoos u daadago oo aan yara bidhaamiyo bal meeshay wax ka qaldanyihiin ee salaadu ka xidhmi weyday inagoo ku saameeli doona maqaal keena dhacdoonyinka ka dhex-dhaca bulshada soomaaliyeed iyo waxa keena.

Sidaan ogsoonahay waayahaan danbe waxaa kusoo badanaya bulshadeena 18 jir hablo kayar oo garoob ah ama Carmal hadba sidaad u taqaan.

·Ma is weediiseen sababta aay midaas kudhcado?????

Ma xumo dhalintu inay iyaga oo da,yar is guursadaan. waxaase muhiim ah inay ogaadan oo ay ka fikraan nolosha ay galayaan oo ahnoloshii mustaqbalka ugu yaraan waa 60sano noloshaada ku nolaanaysay weeyaaniyo waxa looga baahan yahay.

Waayo waxaad arkeysaa dhalinyaro aan aqoon dheeraad ah isku laheyn haddana guur degdeg ahgalaya taa midhehedana kas batain leys fahmi waayo oo halkaa lagu kala tago.

Dhibaatooyinka qoysaska ku imaanayaa aad bey u badanyihiin waxaana sababaguurka aan laga fiirsan.

Qaybtan danbe kuma soo bandhigayo sababta keenta Furiinka Dag-Daga ah oo waan kuu sheegay waxa keenaa inuu yahay,guurka Dag-Daga ah ee aan laga fiirsan. Balse waxaan doonayaa inaan daaha kaqaado midhadh aan badayn ooQodobo kooban ah iyo Faa,iidada laga dhexlaayo hadii la raaco.ka hortag fiicana u ah furiinka Dag-Daga ah.

1.Xiliga Haasawaha oo wakhti fiican lasiiyo ugu yaraan 3 sano ama 4 sano.

2.Guurka ka hor inaad barato Sidaad u la dhaqmaysid Gabadhada/Ninkaaga.

3.Guurka ka hor waa inaad ahaato qof wax ka yaqaan qiimaha uu lee yahay jacaylku?

4.Guurka ka hor waa inaad taqaan nin kaga /gabadhada wax yaalaha aad ku raali gelin kartid.

5.Guurka ka hor waa inaad taqaan sida qalbiga qofka loo kasbado ee loo hantiyo.

ŲFaa,iida ku jirta Qodobadan:-

1.Mudada labada qof sheekada iyo haasawaha wadagayaan ee guurka ka hor marka la dheereyo ee xili ku filan la siiyo waxaa ka soo baaxaya.

·in labada qof is dhaba ay isku dabeecad bartaan.

·In labada qod si fiican isku dhaqan bartaan,

·in labada qof mid kastaba kan kale indhihiisa ka garto waxa uu doonayo iyo waxa uu diidan yahay.

2.Inaad barato guurka ka hor habka aad u la macaamilaysid lamanahaga waa qodob aad u muhiima, waxaa loo bahan yahay inaad wax ka sii ogaato qodobadan.

·Waa inaad taqaan Saygaaga wakhtiga aad waxaad u bahan tahay aad weydiisanaysid.

·Inaad wax ka ogaato habdhanka gogosha ee la maanaha.

·Inaad wax ka ogataa sidaad u la dhaqmaysid ninkaaga/Gabaadhada xiliga uu xanaaqsanyahay/tahay

·Inaad wax ka ogaato habka loo tarbiyadeedo caruurta Diiniyan iyo Maadiyanba.

·Waa inaad Qadataa armarka ninkaa oo adan caasiyin ninkaaga.ss

·Waa inay gabadhu aqoon dheerada u lee dahay dhanka farsamada guriga.

·Waa inaad wax badan ka sii ogataa wax yalaha ninkaagu jecelyahay/gabadhaadu jeceshay sida caraf-yada guriga oo kale ama cuntooyinka.iwm

3.Hadaadan ahayn qof wax badan ka yaqaan arimaha jacaylka waxad khatar ugu jirtaa inaad ku guul daraysato mustaqbalka xaaskaga/ninkaa.

·Waa inaad gabadhaada/ninkaga u adeegsataa erayada uu ku dheehan yahay kal-gacalku iyo muxibadu sida. Xbbi.gacaliso/ye. Qalbi , mcn. Noloshydii

·Xiliyada aad guriga ka sii baxayso oo kale waa inaad xaaskaaga si fiican u sii maca saalaysaa.iyana kuu sii macasalamaysaa.

·Xiliyada aad firaaqada lee dahay waa inaad xaas-kaga u sheegaysaa waayo- waayo iyo jacaylkiinii beri-samaad.

·Waa inaad ninkaagu marka uu yimaado guriga aad sifiican oo niyad iyo kalgacal leh u soo dhaweysaa una sii dhigtaa biyo maydhasho.

·Xilyada qaar kood waa inaad badhada iyo caruurta uyara sartaa dalxiis iyo indho doogsi.

·Waa inaad ninkaaga/gabadhaada aad u keentaa hadyado kadis ah oo aad kaga farxiso.

·Xiliyada aad jaaniska leedahay waa inaad gabadhada ciyaar siisaa caruurta si ay jaanis ugu hesho nafteeda inay ka shaqayso kuuna dareento inaad u diir naxaysid.

·Isku day mararka qaar inaad hore ka sii qaado weelka aad ku cuntaysay ee adan la sugin uun inay xaas-kagu qaado.

4.Hadaadan aqoon sidaad lamanahaaga u raali gelinayso waa dhibaato culus oo ku hortagan.

·Weligaa haysku dayin inaad ninkaaga/gabadhaada is tiraah iskaa caabi oo aad is difaac uun ku jirto mar walba.

·Hadii ninkaaga oo xanaaqsani soo galo guriga kuguna qayliyo plz hala qaylin ee isku day xeeladad ku dajin lahayd marka uu dago ka bacdi u sheeg waxa uu ku qaldanaa oo dheh xaaji dee halkaasi waa sidaa ee maha sidaad mooday.

·Gabaadhaadu haday kugu qayliso yanay ku gelin is difaacii raganimo ogaw qofkani waa noloshadii lama mid ha daadka suuqa jooga waa inaad ka aamustaa xataa haday iyadu kaa qaldan tahay hadhaw uun u sheeg waxay ku sooctay inuu qaldanaa iyadaa sida roobka raali gelin kuugu soo hoarysee.

·Amar la,aan haska samayn gabdhyahay waxaad doonto ee waa inaad ogataa inay waajib kugu tahay inaad ninkaa ka fasax qaadato markaad u bahan tahay inaad meel u baxdo.

·Ninyahaw adana waa inaad ogataa inaadan canaadin xaaskaga haday Idan kaa qadato oo anay amar la,aan is kaga bixin.

·Lamanaha waxaa looga bahan yahay in aanu midna samayn waxaanu kan kale raali ka ahayn sidaa ayay ku jirtaa wanaaga qoysku.

5.Hadaadan aqoon sida qof loo hantiyo qalbigiisa kuguna ad kaato inaad hantidu ninkaaga/gabadhaada qalbigeeda ogow inaad halis ugu jirto bur-bur qoys oo kugu dhaca.

·Waxaa lama huraan ah hadaad ninkaga/gabadhaada u ja-jabnato inay markiiba dadaka qaarkii cay iyo fadeexad ku daba qadayaan laakiin fariidnimada iyo raganimada ayaa ah inaadan u joojin waxaas ee aad taada waangsan raacdo.

·Waa inaad awood u yeelataa inaad ninkaaga/gabdhada ka badasho dabeedadii uu kala yimi gurigii hooyadii.

NB:-Shatan qodob ee aan kor ku soo xusay iyo qaybaha ka sii farcama ee ah wax yalaha laga faa,iidayo hadaadan samayn siday ku farayaan waxaa ka dhalanaya Cagsigooda oo wax waliba waxay noqonayaan ka soo horjeed kooda.

NB:-Wixii ceebala ama talo ah waxaad ku soo gudbinaysaan idinkoo mahadsan Ciwaankan hoos ku xusan:




Diiriye331@gmail.com

W/Q/Mustafa Ahmed Dirie(sheybe)

Egypt= Cairo

Cairo University