Maanso loo tiriyey Golaha Degaanka Degmada Burco

0
Thursday May 29, 2014 - 12:30:27 in by Super Admin
  • Visits: 1618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maanso loo tiriyey Golaha Degaanka Degmada Burco

    waa gabay lagu dhaliilayo golaha deegaanka ee degmada burco waxaana tirisay abwaanad reer togdheer ah oo la yidhaahdo gaasira maxamed siciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa gabay lagu dhaliilayo golaha deegaanka ee degmada burco waxaana tirisay abwaanad reer togdheer ah oo la yidhaahdo gaasira maxamed siciid  waxaana ku kalifay inay mariso gabayga wax qabad la,aanta golaha deegaanka ee ee degmada burco isla markaana hagar daamada ay ku hayaan bulshada qisadan waxa salka ku haysaa mar ay golaha deegaanka burco ay guranayeen dhegxaanta aqalada kasoo hadha iyo kuwo aan wali laga dan dhamaysay kuwaas oo intay ciidan soo kaxaysteen bulshada hagardaamo ugu gaystay


burcaa toostay burcaa taahaysoo toga abaal wayday
nimankaan tagaabada u galay tab iyo maal oo dhan
bari hore xumaantaan tirtiray bay dib u talaaleene
kownsalka kaa togdheer iyo qaribay reer burcoo taagan
tumbul dhagaxa doonaaya ee boob tafaha xaytay
ee tiirka naartiyo ku yaal talala hoosteeda
ee aan tagaabiyo lahayn talo lasii maalo
ee aan ninkii taag daraa tidic u reebaynin
faysal kaa tabaaloobay oo ee laga dul toosaayo
xodaygaa talaabada xunee meel danbuun taagan
iyo kuwa ku taageersan ee talada guud haysta
intay cagafta taahaysa iyo toomis kugu xaabin
turuqyayada ku goyn waar kuwani waa tabtii horore
iimaankoodi waa kaa tagoo lagu tabaalowye
ka tashada togdheereey kuwani waa bar kuma taale



Gaasira Maxmed
Burco Somaliland