War Deg Deg Ah: Al-Shabaab Oo Goordhaweed La Wareegtay Gacan Ku Heynta Magaalada Marka
Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi ay qabsadeen dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab. Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo horey ugu sugnaa magaalada Marka ayaa halkaasi isaga baxay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana goordhaw magaalada gudaha u galay lana wareegay dagalayahano katirsan Al-Shabaab .
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in aysan jirin wax dagaalo ah oo dhax maray ciidamada Al-Shabaab ee qabsaday magaalada iyo kuwa Dowlada ee ka baxay, waxaana magaalada oo u muuqata mid bandow ah hada gaafwareegaya dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM oo saldhigyo ku lahaa duleedka magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa in wali ay joogaan saldhigyadooda, waxaana jirta cabsi xoogan oo lasoo daristay shacabka magaalada Marka oo ka baqanaya in lagu kor dagaalamo.
Al-Shabaab ayaa dhoor mar sidan oo kale ula wareegtay magaalada Marka inkastoo ay isaga baxayeen, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maamulayay magaalada Marka.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

0 

War Deg Deg Ah: Al-Shabaab Oo Goordhaweed La Wareegtay Gacan Ku Heynta Magaalada Marka
Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi ay qabsadeen dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab.