Dhalinyarada Beesha Suber Awal Oo Tageero Lixaadle Umujiayay Mujaahid Muse Baxi +Sawiro

0
Friday May 30, 2014 - 11:04:41 in by salman abdi
  • Visits: 2347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarada Beesha Suber Awal Oo Tageero Lixaadle Umujiayay Mujaahid Muse Baxi +Sawiro

    Ururka Dhalinyaradda beesha Subeer Awal ayaa Xalay xaflad balaadhan oo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweynenimo ee Muuse Biixi Cabdi ku qabsaday hoteel Crown ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Dhalinyaradda beesha Subeer Awal ayaa Xalay xaflad balaadhan oo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweynenimo ee Muuse Biixi Cabdi ku qabsaday hoteel Crown ee magaalada Hargeysa.

Boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeedda beesha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin musharaxnimadda Muuse Biixi. Waxay sheegeen inay gaadhay wakhtii dalka madaxweyne uu ka noqon lahaa muuse Biixi.


Ugu horeyn Afhayeenka ururka beesha Subeer Awal Maxamuud Haaruun ayaa sheegay inay hoolkan iskugu yimaadeen dhalinyaro wada aqoonyahano ah, kuwaas oo si aqooni ku dheehantahay u sheegay aragtidoodda iyo ahmiyada weyn ee ay u hayaan xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay inay nabadda cid ka jeceli aanay jirin si edeeb lehna u gudbinayaan fariintoodda.

Gudoomiyaha ururka beesha Subeer Awal Cabdiraxmaan Xasan Aadan ayaa sheegay inmadaxweynaha iyo umadda Somaliland u sheegayaan inay si aan kala hadh lahayn u taageerayaan Muuse Biixi, isla markaana dareenkooda iyo garaadkoodaba si madax banaan oo aanay cidi soo abaabulin u cadaynayaan taageeradoodda.

Ku xigeenka ururka Subeer Awal Cabdirashiid Maxamed Aadan ayaa isna sidoo kale tilmaamay ujeedadda ay halkan iskugu yimaadeen inay tahay inay muuujiyaan taageerada ay u hayaan musharaxoodda Muuse Biixi oo hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

http://hubaalmedia.net/wp-content/uploads/2014/05/IMG_0198-vert.jpg

Xoghayaha ururkan Cabdikariim ayaa ka sheekeeyey afartii sanadood ee u dambeeyey ee madaxweyne taladda dalka hayey uu khilaafka kulmiye jiray, isla markaana cadeeyey in Cabdikariin Xinif oo taageersan garabka madaxweynaha uu sheegay in aanu xeerkan 14 ee KULMIYE marna awood siin gudoomiyaha xisbiga, haseyeeshee wuxuu sheegay in aanu Xinif aqoon ka tahay garasho la’aanta xeerkaasi waxa uu ka hadlayo, waxaanu sheegay in xeerka 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha, isagoo shirgudoonkii shirka loo doortayna tilmaamayinay yihiin kuwo ka leexday shaqaddii loo igmaday.

"Horta khilaafkan kulmye afartii sanadood ee u dambeeyeywuu jiray khilaafka kulmiye oo wuxuu ka bilaabmay maalintii laga tallogalin waayey xukuumadda iyo xulisteedii, waxa jira inaad ku wareerteen shirgudoonkii shirka lagu doortay waxay shaqadeedu ahayd inay isku soo ururiyaan codadkii iyo xubnhii golaha dhexe si ay gudoomiyaha ugu soo gudbiyaan balse dhinac kale ayey la mareen, waxa dhowaan ka hadlay Xinif oo sheegay in qodobka 14 uu ku arki waayey awoodda gudoomiyaha, haseyeshee muu arki waayin ee wuu garan waayey oo aqoon bay ka ahayd ee waxaan u sheegayaa in qodob 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha”ayuu yidhi Xoghayaha ururka Subeer Awal Cabdikariim.

Faysal Maxamed Madar (Faysal Qumuj) ayaa sheegay in madaxweynaha sida uu doono ha u arkee ay tahay markoodii, isla markaana beesha subeer Awal kula heshiiyey inay shanta dambe isku soo sharaxan.

"anagu ma nihin dad lagu guuri karo ee waxaanu nahay dad wax ku guuura, qolada kula joogta hadii ay been ku sheegeen maanta anaga runta ku sheegayna oo kugu celinayna ee maanta waa markayagii cidii doonta ha ka xanaaqdo, madaxweynaha waa inay beeshiiisu qabata oo runta u sheegna, anagu cid ma caayeyno cidna ma af lagaadaynayno laakiin waxaanu u sheegaynaa uun in aanu maanta maalintayaddii tahay”ayuu yidhi Faysal Qumuj.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dhalinyaro iyo aqoonyahan ay ka mid ahaayeen Ayaan Muuse Ismaaciil, Cabdirisaaq Xasan Rakuub iyo dhalinyaro badan, kuwaas oo cadeeyey inay mawqifkoodu yahay inay taageeraan musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi, waxaanay sheegeen inay xisbiga kulmiye cidna uga cadhoodhayn ee ay hanti badan iyo dhiig badan ka qabo oo wakhtigii ay madaxweyne Siilaanyo taageerayaan dhalinyaro badan oo beeshani u godgashay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in wasiirada ku garab roorayaa ay yihiin kuwii beelahooda kalsooni ka haysan ee wakhtigii doorashaddii baarlamaanka ku dhacay.

Si kataba ha ahaatee, munaasibadan oo dhalinyaro badani iskugu timid ayaa si wanaagsan ku soo gabogabowday, isla markaana nabad ku soo dhamaatay, waxaana isaguna dhalinyaradaasi siday u hadashay iyo nabadgalyada ku soo gabogabeeyeen ugu hambalyeeyey dhalinyarada mulkiilaha hoteel Crown Cismaan Hindi.


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka.com