Mayarka Ceerigaabo oo Khudbad Dareen badan ku abuurtay Bulshada Reer Sanaag ee ku dhaqan UK u jeediyey

0
Saturday May 31, 2014 - 09:17:41 in by Super Admin
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mayarka Ceerigaabo oo Khudbad Dareen badan ku abuurtay Bulshada Reer Sanaag ee ku dhaqan UK u jeediyey

    Maayirka Ceerigaabo Iyo Xildhibaan Talyanle Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Qaadhaan Loogu Ururinaya Wadada Ceerigaabo oo lagu qabtay Bariga Magaalada London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka Ceerigaabo Iyo Xildhibaan Talyanle Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Qaadhaan Loogu Ururinaya Wadada Ceerigaabo oo lagu qabtay Bariga Magaalada London.

Waxa dhowaan Daarta Oxford House oo kutaala bariga magaalada London laguqabtay shir aad loosoo agaasimay oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada reer Sanaag ee degan wadanka UK. 


Shirkaas oo lagutaageerayo qaadhaana loogu ururinayo wadada isku xidhidoonta magaalooyina Ceerigaabo iyo Burco oo dhowaan dhismeheedu ka bilaabmay magaalooyinka Ceerigaabo, Burco, Ceelafweyn, Gar-adag iyo Ina afmadoobe.

046

Maayarka Ceerigaabo mudane Ismaaciil Haji Nur oo dadweynaha mudo dheer lahadlayey ayaa kubooriyey inay ka qaybqaataan dhismaha wadadda iyagoo gudanaya waajibaadkii wadankoodu isla markaana ay tabaruca ay geystaan uu unoqondoono sadaqad jaari ah. Wuxuu kaloo sheegay in wadadani tahay mid ufaa’iidayn doonta wadankoo dhan, qayb libaaxna ka qaadandoonta horumarka guud ahaan Somaliland gaarahaana gobolka Sanaag, wuxuu kaloo sheegay hadii wadadani hirgasho inay fududaan doonto iibgeynta khayraadka faraha badan eek u duugan Gobolka Sanaag. Khudbadii Mayorka oo aad udheerayd dadkun aad uxiiseeyeen ayaa ahayd mid dadkii halkaas isugu yimid ay kudhegeysanayeen dhego lab udaloola, dhowrjeerna ay dadkii dhegeysanayey la oogsadeen sacab ay kutaageerayeen hadadalada Mayorka Ceerigaabo.

049

Waxa isna Halkaas ka hadlay Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle oo si qotadheer uga waramay taariikhda wadada iyo sida loo bilaabay qaadhaan ururinteeda iyo dhowrka weji ee ay qaadandoonto dhismeheedu iyo sida ay dawlada uga go’antahay hirgelinteedu.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Mudane Maxamuud Axmed Liibaan oo ka mid gudiga wadada ee gobolka sanaag oo fadhigoodu yahay magaalada Ceerigaabo.

 

Waxa iyana halkaasi ka hadlay xubno metelayey jaaliyada reer Sanaag ee UK, waxaanay xubinihii magaca Jaaliyada ku hadlayey balan qaadeen inay mudo laba bilood gudohood ah ku deeqidoonaan lacag dhan USD $300,000 (sadex boqol ookun oo dollar).

Shirkaas oo ku bilaabmay weji faxadeed ayaa kusoo gebageboobay damaashaad iyo raynrayn.






Contact@afkashacabka.com