Madaxda Soomaaliya Oo Ka Cadhootay Hoggaamiyaha Mucaaridka Kenya Oo Fagaare Caalamiya Ka Taageeray Qaranimada Somaliland.

0
Wednesday August 03, 2016 - 18:13:18 in by salman abdi
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Soomaaliya Oo Ka Cadhootay Hoggaamiyaha Mucaaridka Kenya Oo Fagaare Caalamiya Ka Taageeray Qaranimada Somaliland.

    Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Kenya ugu weyn ee ODM Mr Raila Odinga hogaamiyaha ka ah , ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Kenya ugu weyn ee ODM Mr Raila Odinga hogaamiyaha ka ah , ayaa

markii u horaysay fagaare Caalamiya kaga dhawaaqay in uu taageersan yahay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo in qaran buuxda dunidu u aqoonsato, hadalkaas oo madaxda Muqdisho ee Somalia sas ku riday isla markaana ay aflagaadooyin iyo hadalo ay ku durayaan warbaahinta u mariyeen maadama oo uu masuulkani cadeeyey in Somaliland loo aqoonsado dal Somalia ka madaxbanaan.

Raila-Odinga-Former-Prime-Minister-of-Kenya

Mr Raila Odinga oo oo horena waddankiisa Kenya Raysal Wasaare uga soo noqday, ayaa sida ay Warbaahinta Joornaaladda Ingiriisku baahiyeen, waxa uu Khudbad Siyaasaddeed oo ka jeediyey Aqalka Caanka ah ee Chatham House Magaaladda London ee dalka Ingiriiska ku yaala, ayaa Kulankaasi Caalamiga ahaa oo lagu lafo furaayey Dumquraadiyadda iyo Horumarka Qaaradda Afrika, waxa uu si cad ugu soo qaatay Mr Odinga Khudbadiisa in uu taageero weyn u yahay in Somaliland iyo in waliba loo aqoonsado qaran dawlad oo xor ah.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Kenya ugu weyn ee ODM Mr Raila Odinga oo mawqafka Siyaasiyin uu ka aaminsan yahay aqoonisga Somaliland ka hadlayey wuxu yidhi "Waxaan shaqsiyan si weyn u taageersanahay in Somaliland loo aqoonsado Qaran Xor ah oo jira”

Dhinaca kale Maamulka Muqdisho ee Somalia ayaa markii ay hadalkaasi maqleen si weyn uga gubtay taageeradda uu Raysal Wasaarihii hore Kenya Mr Railo Odinga u fidiyey lana garab istaagay madaxbanaanidda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana Safiirka Somalia u fadhiya waddanka Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan uu si cadho leh u dhaleeceeyey Khudbada Odinga isaga oo ku macneeyey Aqoonsi ay Somaliland Kenya ama dunida kale ka hesho mid dhaawac iyo meel ka dhac ku ah midnimadda iyo qaranimadda Somaliyeed waxaanu yidhi qoraal uu arintaasi ku dhaleecaynaayey "Waxa uu si qayrul masuulnimo ah Railo Odinga u dhaawacay Midnimadda iyo Madaxbanaanidda Xoriyadda dhul ahaaneed, waxaanu u sheegayna Somalia waa mid aan sinaba loo kala jari Karin”

Hadalkan madasha Caalamiga ah oo taageerada uga muujiyey Qadiyadda aqoonsiga dalnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland Siyaasigan dalkiisa Kenya xilalka hogaamineed ka soo qabtay hadana ah hogaamiyaha Mucaaridka ugu tunka roon Kenya ee ODM mr Raila Odinga, ka sokowo inay dawladda Somalia dhibsatay si kulula ugu jawaabtay waxa sido kale jiray weerar ba’an oo dad Somali ahi kaga qaaddeen una mariyeen Baraha bulshaddu ku kulanto sida Twitter-ka, Facebook-ga iyo mareego kale iyada oo ay oo hadalo shaqsi weerar iyo dhaleecayn ah ku qaaday mr Railo Odinga oo ay ku haystaan taageeradda Lixadka leh ee uu u muujiyay Qadiyadda Somaliland, taas oo uu ka sheegay Fagaaraha loo yaqaan Chatham House oo ah goob Siyaasadda, Dumquraadiyadda, dhaqaalaha iyo umuuro kale Qaaraddaha dunida ah lagu lafo guro.

Ugu dambeyntii Siyaasi Mr Raila Odinga oo intii u dhaxaysay sannadihii 2008 ilaa 2013-kii Raysul Wasaare ka soo noqday Kenya kana soo jeeda Qoys Siyaasadda dalkaasi iyo halgankii Xoriyadoonkaba taariikh dheer ku leh, wax uu Aabihii Jaramogi Ajuma Oginga Odinga ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya 1964 ilaa 1966, waxa uu wakhtigan Raila Odinga hogaamiye mucaarid ka yahay Xisbiga Mucaaridka Kenya ugu weyn ee ODM loo soo gaabiyo, waana murashaxa madaxtimadda doorashadda dambe ee Kenya u taagan si uu markan madaxweyne uga noqdo dalkaasi.