TALO KU SOCOTA SHACABKA SOMALILAND. WQ: XUSEEN LAKI

0
Sunday June 01, 2014 - 13:05:15 in by Super Admin
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    TALO KU SOCOTA SHACABKA SOMALILAND. WQ: XUSEEN LAKI

    Khilaafka ka dhex beerma binu-aadamku waa wax iska dabiici ah oo soo taagnaa tan iyo bilowgii nolosha aadamaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka ka dhex beerma binu-aadamku waa wax iska dabiici ah oo soo taagnaa tan iyo bilowgii nolosha aadamaha waxaana markasta barbar socday dadaalka iyo kartida binu-aadamka ee uaadan xal u helka khilaafaadkaas si looga badbaado dhibaato uu keeno khilaadkaas, inta badana marka la rabo in xal loo helo khilaaf jira meelaha xooga la saaro waxaa ka mid ah in la ogaado, lana naaqisho nooca khilaafka jira, isha khilaafku ka imanayo, sababta abuurtay khilaafka, helitaanka ciddo muhiim ah oo dhexdhexaad ah oo xogxogaal u ah waxa jira, iyo weliba in xog fiican laga hayo dabeecada, iyo taariikhda nololeed iyo tan dhaqan ee garabyada khilaafku dhexyaalo.

Hadaba hadaan u gundadego khilaafka kulmiye, waxay u muuqataa inuu yahay mid ku salaysan cidda musharax u noqonaysa jagada madaxweynenimo ee shanta sano ee soo soocto, tani waxay ka dhexjirtaa labada mas’uulee Madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamooud oo siagu hadda ku guda jira teeramkii ee mudada xiulka madaxweynenimo oo wax hal sanno ka yari uga hadhsan tahay iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna leh Teeramkan labaad anigaa u taagan Jagada Mushaeaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmaya ku tartamaya, hadaba, waxaa muhiim ah in lays weydiiyo labadan su’aalood:-

1.Inta badan, wadamadan ku dhaqma dimoqoraadiyada ee aynu kazoo bowsanay, xisbiga talada haya marka uu teeramkiisa koowaad dhamaado, waxaa teeramka labaad isu soo taaga, oo xisbigu barbar istaagaaisla madaxweynihii Teeramka koowaad xilka hayay, mana dhacdo in cod kale oo xisbiga ahi iska soo barbar-sharaxdo , markaas, su’aashu waxay tahay, Maxaa dimoqoraadiyada reer Kulmiye taas kaga duwan tahay?

2.Xisbiga kulmiye miyaanu lahayn xeer iyo shuruuc kala qeexaysa arimahan? Haddii ay haa tahay, Maxaa loogu kala bixi waayay inta suuqa iyo warbaahinta lays baacsanayo?

Inta badan marka laga hadlayo xisbi siyaasi ah waxaa mabaa’dii’ ahaan saldhig u ah inay jirto ruux xisbinimo oo leh yoolal, barnaamij iyo bartilmaameedyo cayiman oo la wada tiigsanayao, ayna wadaagaan bahweynta xisbigaas ku abtirsata oo dhan,kana turjamaya baahida iyo rabitaanka shacbiga, taasoo uu xisbigu si guud uga wada shaqeeyo, una wada ilaaliyo, waana taas tan ka maqan xisbiyadeena maanta, oo waxa qudha ee xisbiga loo samaystay waa in lagu gaadho jaranjaradii kursiga lagu fuuli lahaa, hadhowna taladu ma noqoto mid xisbi, ee waxay noqotaa mid kooxeed oo ay midanayso maslaxad kooxeed, mana jirto wax talo ah oo ka dhaxeeya xisbiga la leeyahay waa xisbi xaakin iyo xukuumada talada hayso ee ay magaciisa kursiga ku timi, waana taas tan aynu kaga duwanahay dimoqqoraadiyada reer galbeedka ee muwaaridka inagu ah, isla markaana xudunta u ah isqabqabsiga aynu markasta maqalo, waa tii UCID labada Garab u kala jevisay, ee UDUB dumisay, ee maanta KULMIYE liiliijinaysa.

Sidaas darteed, wax lala yaabo noqon mayso inay iyagu dhexdooda teeramkii labaad isku qabqabsadaan, halkii ay xisbi ahaan u wada duuli lahaayeen, waxaana muhiim ah in shacbigu aanay ku dhexmilmin is qabqabsigan aan danta umadnimo ku qotomin, ee kursi jacaylka iyo haraadka awoodeed ku salaysan, waana inaad fahamtaan in maslaxda umadnimo iyo tan qaranku ka weyn tahay Mas'uuliyiin ay awooda kurisigu kala weyn tahay jiritaanka maslaxada umadnimo iyo hayabadeeda qaran, waana inaad awoodaan inaad iyaga la xisaabtantaan, idinkoo ka fogaanaya inaad cid ku raacdaan, ama ku nacdaan reer hebelnimo, ee waxa aad ka duulaysaan ha noqoto mabda’a ahdantayada qaranimo, maslaxadayda umadnimo, jiritaankayga mujatamac ahaaneed ayaa ka weyn hanka cid kasta oo aan ku shaqaynayn rabitaanka shacabka, waana taas taad ku gaadhaysaan horumar iyo badhaadhe.



Waa Bilaahi Towfiiq

Mr. Hussein Mohamed Mohamoud,

Burco, Somaliland,

Email,husseinlucky@hotmail.com