Daawo:Gudoomiyaha Ololaha Ee KAALMEE KUWAN Suxufi Cabdimalig Oo Deeq Lacag Ah Oo Loogu Talo Galay Cabdale Ka Gudoomay Golaha Wasiiradda Xukuumadd Federalka Somaliya

0
Saturday August 06, 2016 - 17:39:52 in by Burco Office
  • Visits: 2116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Gudoomiyaha Ololaha Ee KAALMEE KUWAN Suxufi Cabdimalig Oo Deeq Lacag Ah Oo Loogu Talo Galay Cabdale Ka Gudoomay Golaha Wasiiradda Xukuumadd Federalka Somaliya

    Burco(AFKA)Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Somalia, ayaa lacag u soo direy nin Magaciisa la yidhaa Cabdalla oo Xanuunka Dhimirka haya oo ku nool magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Somalia, ayaa lacag u soo direy nin Magaciisa la yidhaa Cabdalla oo Xanuunka Dhimirka haya oo ku nool magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.



Golaha Wasiirada Dowladda Fadaraalka Somalia, ayaa lacagtaan ku soo Hagaajiyay Wariye C/maalik Coldoon oo ah wariyaha soo bandhigay ninkan maskaxda ka xanuunsayo oo wakhtigaasi Geed ku xidhnaa, isla markana silsiladii uu lugta kaga xidhnayd lugta jartay, waxaana ninkan maskaxda ka jirin muddo dheer ku noolaa darxumo iyo nolol aad u qalafsan.

Haseyeeshee, markii muuqaalka laga soo duubay sida uu u nool yahay iyo halka uu ku xidhan yahay, waxa markiiba ka soo jawaabay Shacab badan oo u badan madax, kuwaasoo lacagihii ay soo direen markiiba saamayn ku yeelatay noloshiisa, isla markaana guri iyo nolol fiican oo daryeel leh loo sameeyey.

Toddobaadkii hore ayey ahayd wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda Fadaraalka Somalia, C/raxmaan Odowaa ku soo Caawiyay lacag dhan kun Doollar, Halka Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland isna lacag lix kun oo dollar ugu deeqay ninkaasi.

Ugu dambayntii, Golaha Wasiirada ayaa lacag ay soo ururiyeen oo gaadhaysa 10,000 oo Doollar ugu Deeqay Cabdalla oo ah Ruuxa Maskaxda ka jirran ee Burco ku nool

Cabdalla ayaa waxa gurmad lacageed usoo diray dad aad u kala duwan oo ay dhintay noloshii adkayd ee uu ku noola, isagoo dhaxanta iyo kulaylkaba ku xidhnaa geed hoostii oo boodhka iyo hanfigu dushiisa ku dhacayeen.


Cabdirisaaq Cabdilaahi Sh Aadan (Koronto) 
Afkashacbka Burco/Office
Contact:Koronto935@gmail.com