Qallin Qabyaalad Ku Foorara,W/Q:Abdikhaliq Mohamed Dhiirane

0
Sunday June 01, 2014 - 20:08:13 in by Super Admin
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qallin Qabyaalad Ku Foorara,W/Q:Abdikhaliq Mohamed Dhiirane

    Bulshadeena badi imika waxaad moodaa in ay ku soo badnaya inta wax qorta ee ku daabacda qoraaladooda baahiyeyaasha kala duwan kuwaasi oo ugu talo galay in heerkooda qoraleed bulashada ugu soo bandhigaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshadeena badi imika waxaad moodaa in ay ku soo badnaya inta wax qorta ee ku daabacda qoraaladooda baahiyeyaasha kala duwan kuwaasi oo ugu talo galay in heerkooda qoraleed bulashada ugu soo bandhigaan

dareenada daahson iyo cilmiga ka maqan, wixii itaal xirfadeed ee uu ku dhaamaana ay ugu soo gudbiyo,waxay adeegsanda qoraal hufan oo cidkasta oo akhridaa si wanagsan u fahmi karto micnaha uu xanbanbaarsan iyo duluc qoraalkaas,tirikoob ahaan hadii la eego bulashada inta xiisayda ilifida iyo qorida qoraalada arimaha bulashada ka hadlaaya qiyaas ahaan waxay ku dhawaan karaan 40% bulashadeena. Maha maqaalo oo kaliya xataa waxaa jira dad kaga qayb qaata maansooyin iyo gabayo.

In dhawayd waxa soo batay dhalinyarada xogooda xirfadeed awooda saartay in ay qoraalo ku daabcaan mareegaha baahiyaasha, kuwaasi haddaba maaha qaar qoralkeedu xanbaarsan yahay wax u mihiim ah bulshada inteeda kale, marka ad labada baaro-garaaf ee u horeeya akhrido isla markaab waxaad ka dhadhansanaysaa in qallinkiisu ku fooraro cid gaar ah uu ku weeraraayo isagoo ku hadlaya afka reer habelka isaga dhalay ama uu u dhashay, taasi waxay meesha ka saaraysaa niyadii qoraalka loo yahay bulashadu waxay ka niyad jabaysaa akhriska qoraalada arimaha bulashada ka hadlaya, dhalinyarada caadaysatay in qoraalkooda ku hujuumaan shakhsi gaar ah ama beel midaas waxay sharaf dhac ku taahay cidkasta oo wax qorta xiisaysana qoraalka.

 

Ku xisaabtan qoraalada aad ku qortid wargaysa dalka ka soo baxa ama boggaga internetka waxa dalacanaya oo akhrisanaaya dad aan adiga wax aqoon ah kuu lahayn. Mise Ka fikirtay qof aan aqoon kuulahayn oo maalinta koowaad ee qoraalkaaga arka kana dhadhansa in aad qabiil iyo wax qudhin ah ka waramayso ama shakhsiyad gaar ah aad ku weerarayso qoraal kaaga, waxaa dhicikarta in uusan dib dambe u akhrin qoraalkaaga halkaasna aad ku weydid wax qoraalladaada xiiseeya oo akhriya.

Inta badan waxaa dhacda qoraalada lagu daabaco boggaa kala duwan ee baahiye yaasha waxad ku arkaysa qoraalo aad is odhanayso waa la cadho qoray markaa aad akhrido tuducyada waxad ka dheehan karta in uu ku cadhasan yahay qoraalka, qofka waxa qoraaya waxa muhiim ah wax kasta oo uu soo gudbinaayo in uu marka hore isagu soo akhriyo waxaa hubaal ah in isagu marka uu akhriyo dib isagu laban doono.

Maalinkasta oo aad booqoto shabakadaha wararka ama joornaalada daabacan waaxad ku arkaysa laba bog oo ka hadlayaa siyaasi hebel ama beesha reer hebel, wixii haddaanu mar ahayn war(news) ka sheekeenaysa ruux siyaasadiisa qalafsan iyo sida ay bulashadu ugu khasaartay doorashadiisa siyaasigaas balse qoraalkaasi yahay mid ay ka muuqato munaafaqda qabyaalda runtii qalbiga ayaa ku xanuunaya markaad baydad ka mid ah akhrido,waa hadii aad tahay ruux ka gubanaya qabyaalada cadaanka ah ee nin jeclaysigu ka muuqato, markaad sii akhrido qoralkaas waxa kaaga soo baxaya tucud sidan u qoran "reerku ka dhashay ayaaa tuug ahayd iyo waligoodba waa lagu yaqana siyaasad xumada” waxan xusuusinayaa dadka sidaas wax u qora in shakhsiga aadka soo horjeedo siyaasadiisa Aanu tusale ama ka turjumayn cida uu ka dhashay ee wixii uu samaynaya isaga u gaar tahay hadii uu siyaasad xun yahay iyo hadii uu wanaagsan yahay taasi waa shakhsiyadiisa isaga u gaar ah.

Hadii aynu doonayn in aynu liibaano waa in aynu ka dheeraan dadka isku dirkooda iyo qabiil ka hadalka faraha badan, qofka caadaysta midaas halisbuu ku sugan yahay,qofkasta oo xirfad qoraal leh haysta markii Allaah(s.w.t) xirfaadsi ugu deeqayay umuusiinin in uu cid gaar ah ku weeraro ee wuxuu kuu siyay in aad dadka wanaga ugu so gudbiso kii xumaana aad ku toosiso, waxad ogaatan dhamaanteen in aynu ku abtirsano nabiyu Allaah Aadam(c.s) isagana laga abuuro ciid dhamanteena ciidaas la inagu celindoon, haddaad qof jacaylaysi adduunka la kor jogtay iyo hadii aad wixii alle kuu abuuray la kor joogtay, cid ku raacaysa ma jirto aan ka ahayn wixii aad aduunka korkiisa ku sameen jirtay.

Allaah(s.w.t) Markii uu inoo samaynayn qabaa’ilka ugumu talo galin in aynu qabiil qabiil isku dilno,qarad qarad isku dilno iyo in aynu shaqasiyaad iskugu faano ama isku cayno, ee wuxuu inoogu talo galay in aynu isku aqoonsano oo aynu isku kala garano, haddaba bulshada inta wax qortaa waa in ay ka ilaaliyaan qalinkooda munaafaqada iyo wixii Allaah(s,w,t) uu nacay.




W/Q:Abdikhaliq Mohamed Dhiirane

abdikhaliqcmc@hotmail.com