Orodyahanka Kasoo jeeda Wadanka Kenya ee David Rudisha oo markale difaacday biladiisa dahabka

0
Tuesday August 16, 2016 - 09:41:38 in by salman abdi
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahanka Kasoo jeeda Wadanka Kenya ee David Rudisha oo markale difaacday biladiisa dahabka

    Orodyahanka reer Kenya ee David Rudisha ayaa difaacday billada dahabka ee orodka 800m ee Olympic-ada Adduunka. 27-jirkan ayaa soo bandhigay orod aad u heer sarreeya muujiyayna khibraddiisa kaddib markii wareega hore uu ka hormaray Alfred Kipketer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orodyahanka reer Kenya ee David Rudisha ayaa difaacday billada dahabka ee orodka 800m ee Olympic-ada Adduunka. 27-jirkan ayaa soo bandhigay orod aad u heer sarreeya muujiyayna khibraddiisa kaddib markii wareega hore uu ka hormaray Alfred Kipketer.


Rudisha ayaa hogaanka orodka la wareegay markii 300m un ay ka harsan tahay tartanka, iyadoo Alfred Kipketer oo horkacayay orodka uu u muuqday inuu tabar dhigay, markaa wixii ka dambeeyayna waxa uu Rudisha u muuqday mid aanan la qaban karin, sidaana waxa uu ku orday 1 daqiiqo iyo 42.15 ilbiriqsi.

Image copyrightGETTY IMAGES
Image captionOrodyahanka reer Kenya ee David Rudisha oo markale difaacday billada dahabka

Kipketer ayaa masaafo aan caadi aheyn jaray 200m ee ugu horreysay isagoo ku orday 23 ilbiriqsi oo kaliya.

Hasayeeshee 19-jirkan oo Rudisha ku garaacay isreebreebkii orodada ee Kenya ayaa ku dhameystay kaalinta 7-aad ee tartanka Rio.

Guusha Rudisha uu gaaray ayaa ka dhigtay inuu yahay orodyahankii ugu horreeyay ee biladdiisa 800m dib ugu guulaysta tartanka Olympic-ada tan iyo orodyahan Peter Snell oo u dhashay dalka New Zealand oo sidaasi sameeyay 1964.