Toban Jimicsi Oo Qofka Caadaysta Wejigiisa Ka Ilaaliya Coodh-Coodhka Iyo Calaamadaha Gabowga Toban Jimicsi Oo Qofka Caadaysta Wejigiisa Ka Ilaaliya Coodh-Coodhka Iyo Calaamadaha Gabowga

0
Friday August 26, 2016 - 13:47:44 in by Burco Office
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban Jimicsi Oo Qofka Caadaysta Wejigiisa Ka Ilaaliya Coodh-Coodhka Iyo Calaamadaha Gabowga Toban Jimicsi Oo Qofka Caadaysta Wejigiisa Ka Ilaaliya Coodh-Coodhka Iyo Calaamadaha Gabowga

    Wejiga bani'aadamku waxa uu ka kooban yahay 44 muruq oo ka shaqeeya cabbirista shucuurta qofka ee kala duwan iyo guud ahaanba qaabka wejiga. Haddii muruqyadaasi ay ahaadaan kuwo mar kasta giijisan waxa ay keenaan in maqaarka qofku giijisnaado, m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wejiga bani'aadamku waxa uu ka kooban yahay 44 muruq oo ka shaqeeya cabbirista shucuurta qofka ee kala duwan iyo guud ahaanba qaabka wejiga. Haddii muruqyadaasi ay ahaadaan kuwo mar kasta giijisan waxa ay keenaan in maqaarka qofku giijisnaado, muuqaal dhalinyaronimana yeesho.

Haddaba waxa ay xeeldheerayaasha isqurxintu sheegayaan in uu jiro jimicsi fudud oo haddii qofku uu caadaysto in mar uun maalintii ka mid ah toban daqiiqo sameeyo uu ka heli doono faa’ido weyn oo ah in coodh-coodhka iyo calaamadaha gabowga ee maqaarka ka muuqdaa aanay ku soo degdegin, qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee caanka ah ee Alcarabiya ayaa jimicsiyadaas ku soo koobtay tobanka nooc ee hoos ku xusan:

1. Foodda: Maalin kasta toban jeer oo keliya inta aad labada indhood midba mar sunnaheeda kor u kala waaxdo, farta murdisada si dabacsan hoos ugu soo mari. Waa in gacantu hoos u socotaa oo ay ka hor timaaddo korka aad sunnaha u kala bixisay.

2. Indhaha iyo hareerahooda: Ku dadaal in aad nafta ku tababarto jimicsiga ah in adiga oo aan daboolka sare ee isha soo dhaqaajin aad daboolka hoos oo keliya kor u qaaddo, toban jeerna ku celceli. Dhaqaaqani bilowga waa uu adkaanayaa, laakiin muddo kadib waa aad la qabsan kartaa.

3. Labada dhaban: Labada dibnood dibadda u soo kala bixi, adiga oo qaab wareeg ah u ururinaya (Sida dhunkashada), illaa halka ugu fog ee aad kor u soo kala bixin karto gee, in yar marka aad sidaa u soo yuubto kadib haddana raaci qaab dhoolla caddayn aad u weyn ah, iyadana dhowr ilbidhiqsi ku hay, habkaas toban jeer ugu celceli.

4. Dibnaha: Farta inta aad labada dibnood dhex geliso xoog dib ugu nuug adiga oo dibnahana hareeraha si xoog ah ugaga xejinaya, toban jeer sidaas ku celceli maalin kasta hal mar.

5. Qoorta iyo Gadhka: Qaab tallagnaan (Isgiijin ah) adiga oo qoorta u giijinaya isla markaana kor u kala bixinaya xagga hore eeg, kadib adiga oo farta murdisada iyo suulka isticmaalaya, qoorta hoos u soo cadaadi si dhibirsan, adiga oo isla markaana madaxa kor u qaadaya. (Isweydaar qoorta hoos u soo riix si dabacsan, madaxana kor u qaad si aanu u foorarsan). Ku celceli toban jeer maalin kasta mar.

6. Adiga oo weli u taagan qaabkii aad hore eegaysay, afka xidh, ilkahana isku qabo, adiga oo carrabka dacalkiisa ku cadaadinaya foolasha hoose hoostooda, kadibna toban tiri adoo marba marka ka dambaysa sii kordhinaya cadaadiska carrabta. Muddo Lix ilbidhiqsi ah sidaas ahoo, kadibna si tartiib-tartiib ah u soo dabci muruqyada, isla markaasna si dhibirsan laba farood ugu cadaadi xagasha ay isugu yimaaddaan raqabadda iyo gadhku, si aad uga ilaaliso xarakaadka.

7. Dibinta hoose: Dibintaada hoos bannaanka u soo kala bixi, adiga oo faraha inta aad ku qabato lafaha kalxanta, gadhakana kor u qaaddo illaa xadka suurtogal ah, afka xagashiisana hoos u soo cadaadi. Kuna celi Toban jeer.

8. Afka: Suulkaaga waxa aad ku cadaadisaa gadhka hoostiisa halka cadkeedu jilicsan yahay, adiga oo gudaha afkana carrabka ku cadaadinaya dhan xanagga hoose ee foolasha hoose ka sii hooseeya, oo ah halka cadkeedu jilicsan yahay ee dhinaca kalana suulka aad kaga soo hayso, sida ruuxdoonaya in carrabka uu ku taabto halka uu suulku soo cadaadinayo. Sidaas toban jeer ku celceli.

9. Gadhka iyo dibnaha: Illaa inta kuu suurtogeli karta gadhka maqaarkiisa sare giiji, taas oo ku imanaysa marka aad dibinta hoos kor u soo qaaddo ee dibinta sare dusha ka soo dhaafiso, dhinaca sanka, cadaadiskaas ku hay illaa aad aragto maqaarka gadhka oo inta uu caddaaday sida wax jactaday noqday.

10. Wejiga iyo gadhka: Xagga hore adiga oo eegaya, isla markaana ilaalinaya in gadhku toosnaado, wejiga u leexi midig, illaa garabka aad la sinto, kadib marka uu halkaas gaadho kor oo xagga dambe ah madaxa u qaad, sidaasna muddo 6 illaa 8 ilbidhiqsi ah ku hay. Mar kale madaxa soo toosi, adiga oo sidii hore oo kale u ilaalinaya in uu toosnaado, haddana wejiga dhinaca bidix u leexi illaa uu gaadho garabka bidix, sidoo kalana madaxa kor u qaad adoo dib u cadaadinaya sida ruux cirka in uu eego doonaya, sidaasna ku hay 6 illaa 8 ilbidhiqsi. Toban jeer sidaas u celceli maalin kasta hal mar.