War Deg Deg:Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Inay Dhameystirtay Saxiixa David Luiz Oo Ka Soo Laabtay Paris Saint-Germain

0
Thursday September 01, 2016 - 11:06:48 in by Burco Office
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Inay Dhameystirtay Saxiixa David Luiz Oo Ka Soo Laabtay Paris Saint-Germain

    Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay dhameystiray saxiixa daafacii Paris Saint-Germain David Luiz kaasoo Stamford dib ugu soo laabtay heshiis 32 milyan ginni ah, isagoo heshiis seddex sanno ah u saxiixay Blues.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay dhameystiray saxiixa daafacii Paris Saint-Germain David Luiz kaasoo Stamford dib ugu soo laabtay heshiis 32 milyan ginni ah, isagoo heshiis seddex sanno ah u saxiixay Blues.


David Luiz ayaa si lama filaan ah maanta dib ugu soo laabtay Chelsea iyadoo kooxda Blues ay markii hore ka gudbisay dalab 30 milyan ginni ah laakiin PSG ayaa soo diiday, laakiin Luiz ayaa markii uu maqlay dalabka Chelsea waxa uu la kulmay madaxda PSG oo uu ku wargeliyay inuu isagana daneynayo inuu ku laabto Stamford Bridge madaama ay ka taalo howl aan dhamaanin.

CrOHEfPWcAAv_PI

Waxaana ay taasi keentay inay Paris Saint-Germain wadahadalo toos ah la gasho Chelsea iyagoo markii danbe ku heshiiyay 32 milyan ginni, waana in ka yar 18 milyan ginni lacagtii ay Chelsea ka siisay daafacaan kooxda PSG labo sanno ka hor oo aheyd rikoorka suuqa kala iibsiga ee daafacyada.

Tababare Antonio Conte ayaa helay wuxuu uu doonayay xagaagan isagoo la soo wareegay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga labo daafac Marcos Alonso oo boosas badan oo daafaca ka ciyaari kara iyo David Luiz oo uu ku adkeyn karo daaficiisa dhexe.