SULDAANKA GUUD EE SUBEER AWAL OO GUDDIDA GUURTIDA EE XALLINTA KHILAAFKA KULMIYE U SOO JEEDIYEY INAANAY DHINACNA U HIILIN GARABYADA KULMIYE

0
Thursday June 05, 2014 - 15:02:50 in by Super Admin
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SULDAANKA GUUD EE SUBEER AWAL OO GUDDIDA GUURTIDA EE XALLINTA KHILAAFKA KULMIYE U SOO JEEDIYEY INAANAY DHINACNA U HIILIN GARABYADA KULMIYE

    Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa guddida golaha guurtida u soo jeediyey inay hab caddaalad ah ku xaliyaan khilaafka Kulmiye ee ay gacanta ku hayaan. Waxa uu soo jeediyey in la ilaaliyo amaanka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa guddida golaha guurtida u soo jeediyey inay hab caddaalad ah ku xaliyaan khilaafka Kulmiye ee ay gacanta ku hayaan. Waxa uu soo jeediyey in la ilaaliyo amaanka Somaliland.

"Wada tashi ayeyna ku soo gaadhay heerkan aynu Maanta marayno, Illaahay idinkiina wada hadal ayuu ku dhamaan doona Khilaafkani, Mandaqad Dab ka qiiqaayo ayeynu ku dhex jirnaa, in Amaanka la adkeeyo, Qof kastaana xil iska saaro Nabadgeliyada ayaa wacan, oo aad loo feejignaado”.ayuu yidhi Suldaan Xasan oo Wargeyska Geeska u waramayay.

Suldaan Xasan waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi isku dhaw yihiin, waxaanu yidhi "Carrab iyo Labadiisa Daan ayaa is qaniina, khilaaf kasta oo yimaadana in wada hadal lagu dhameeyo ayaa loo baahan yahay,Madaxweyne Siillaanyo iyo Muuse Biixina cid iskaga dhawi ma jirto”.

Suldaan Xasan waxa uu talo u soo jeediyey Guddida Golaha guurtida ee xalinaysa Khilaafka Kulmiye waxaanu yidhi "Golaha Guurtida, inaga ayaa dooranay, waa Odeyaashiini, markaas in Guddida Golaha Guurtida ee wada soo daminta khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxaan ka codsanaya oo aan ugu baaqay inay Caddaaladda ilaaliyaan, inay Caddaaladda adkeeyaan, kana gutaan waajibkooda, oo dhex noqdaan, garabna aanay dhinac saarin, garabna aanay ka hiilin, ee sida Illaahay ku ogyahay ee xaqa waafaqsan xilkooda iyo waajibkooda saaran u gutaan, khilaafkana soo afjaraan”.

Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Waxaan Bulshada reer Somaliland iyo wax-garadkiiba ugu baaqaya in khilaafkan taagan cagta loo dhigo oo aan la sii kicin,maxa yeelay in Labadan Garab ee Kulmiye ee is haya midna waxba u qaban mayso, waxbana umana tarayso, ee wixii dhib ah ee waxyeelada iyo dhibaatada keenaya ha la joojiyo, dhexna wax walba ha loo ahaado”.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com