munaasibad xilkala wareejin ah oo ka qabsoontay hoolka AKMO EE gobolka togdheer BURCO (AFKA)

0
Friday September 09, 2016 - 19:45:32 in by Burco Office
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    munaasibad xilkala wareejin ah oo ka qabsoontay hoolka AKMO EE gobolka togdheer BURCO (AFKA)

    munaasibadkii xilwareejinta ahayd ee ka qabsoontay hoolka AKMO iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay halkan ka bogo wacdarihii ay muujiyen URURKA AKMO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

munaasibadkii xilwareejinta ahayd ee ka qabsoontay hoolka AKMO iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay halkan ka bogo wacdarihii ay muujiyen URURKA AKMO


xalfad xilwareejin ah oo ay soo qabab qaabiyeen URURKA AKMO ayaa ka qabsoontay hoolka AKMO halkaas oo gudomiyaha cusub xilkii lagu gudoon siiyay waxaana madashaasi ka soo qayb galay qaarka mid ah Gudoomiayashay ururada gobolka togdheer iyo marti sharaf aad u tiro badan waxaana ugu horayn halkaasi ka hadalay gudomiyhii hore oo ku xeel dheeraday marxalda kala duwayn ee ururku soo maray waxanu yidhi”

waxa lay dhiibay markaan xilka qabanayay saga oo mug iyo miisaanba u dhan yahay

oo uruku isku wada duuban yahay manta asag oo sidii iskugu duuban mug iyo miisanba u wada socda waxaan si sharaf iyo maamuus lehg ugu wereejinaya gudoomiyaha cusub

NASRA CALI FAARAX waxaan leeyahay waxaanu kugu werinay urur mug iyo miisaanba leh waxaanu rajaynaynaa inaad xilkaa manta lagugu wareejiayy sidiisa ugu soo baxday waxaanu sidoo kale rajaynaynaa inaa in ururku gaadho guul sare aynu ku guulaysano in qaadka dalkeena laga madnooco

Waa aafada manta ina ragaadisay dhigii iyo dheecaankeenii miiratay

Dhankale waxa sii dhawyn iyo hambalyo uso jedisay gudoomiyaha ururka NAADIGA IYO AKHRISKA EE HALKARAAAN

NASRA KAYSE

Waxaan kugu hambalyaynayaa xilka cusub ee manta laguu doortay waan ku faraxsanay in ururka akmo guul gaadho waxaan odhankaraa waa urur ku dayasho mudan wax qabad badana gobolka ka qabtay

Waxa sagun goobtaasi ku sugnaa gudomiyaha KAALMEE KUWAN

Md CABDIMAALIK MUUSE COLDOON

O madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu taabtay qodobo aad u xasaasi ah

Waxaanu yidhi:

Waxaan ku faraxsanay inaad la dagaalantaan qaadka waayo waa kamaanta halkaas ina dhigay ina curyaamiyay ina aafeeyaya aan odhan karo wxuu dumiyay qosas badan sidoo kale markaad qaad la dagaalamaysaan waxa la dagaalamaysaan itobiya waayo jaadka xaga laga keenaa waa itoobiya

Ana waan idinku garabtaaganaya manta inaad jaadka la dagalantaan

Waxaan dawlaa u dirayaa baaq ah qaadka culumadu waxay ku sheegtay mukhaaridaad wixii maan dooriya ah in uu yahay xaaran markaa waxaan leeyahay dawlada in aad ka wadashaqaysaan qaadka sidii loo joojin lahaa looga hortigi lahaa aafada ina oofaysay dalkeena looga madnooci lahaa waa inaaad ka wada tashataan oo aad soo saartaan mawshin lagaag horta gayo jaadka

URURKA akmo waxaan u balan qaadayaa anigoo ka mid ah qolada war baahin ta in aan idin la shaqayn doono oo baraha aan page ku leeyhay ku faafindoono wax qabadka ururka iyo website ayaan idin balan qadayaa wanan idin la shaqaynaa

waxana madashaasi ka hadlay qaarka mid ah gudomiyayasha ururada burco oo soo dhawayn baladhan ugu hambalyeeya gudoomiyaha cusub ee ururka la dagaalanka qaadka ee AKMO

sidoo kale ay ku tilmaameen inuu URURKA AKMO mudan yahay urur ku dayasho mudan

cabdisamed jama ahmed giire

afkashcabka