Liverpool Oo Anfield Ku Dubatay Kooxda Koobka Premier Leaque-ga Difaacanaysa Ee Leicester City, Iyo Reds Oo Guusheedii Ugu Horaysay Ee Xili Ciyaareedkan Ku Gaadhay Gurigeeda

0
Sunday September 11, 2016 - 10:16:45 in by Burco Office
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Anfield Ku Dubatay Kooxda Koobka Premier Leaque-ga Difaacanaysa Ee Leicester City, Iyo Reds Oo Guusheedii Ugu Horaysay Ee Xili Ciyaareedkan Ku Gaadhay Gurigeeda

    Liverpool ayaa guusheedii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan ku gaadhay garoonkeeda Anfield oo markii ugu horaysay ka soo muuqatay xili ciyaareedka cusub ee 2016/17, waxayana Reds guushan ka gaadhay kooxda koobka Premier leaque-ga difaacanaysa ee Leic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa guusheedii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan ku gaadhay garoonkeeda Anfield oo markii ugu horaysay ka soo muuqatay xili ciyaareedka cusub ee 2016/17, waxayana Reds guushan ka gaadhay kooxda koobka Premier leaque-ga difaacanaysa ee Leicester City.

Ciidamada Klopp ayaa 4:1 ugu awood sheegtay Foxes inkasta oo uu Lucas goolka Leicester City hadiyad uga dhigay Jamie Vardy. Kooxda Reds ayaa cashar lama ilaawaan ah udhigtay kooxda Premier Leaque-ga difaacanaysa ee Foxes.

Roberto Firmino ayaa laba gool ka dhaliyay kulankan halka Sadio Mane iyo Adam Lallana ayaa min hal gool kulankan ka dhaliyeensi ay Liverpool uga caawiyaan in ay guul ka gaadho Leicester City.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Liverpool XI (4-3-3): Mignolet; Clyne, Matip, Lucas, Milner; Lallana, Henderson, Wijnaldum; Mane, Sturridge, Firmino.

Kaydka:Karius, Moreno, Klavan, Stewart, Grujic, Coutinho, Origi.

Leicester City XI (4-4-2): Schmeichel; Simpson, Huth, Morgan, Fuchs; Mahrez, Drinkwater, Amartey, Albrighton; Okazaki, Vardy.

Kaydka: Zieler, Hernandez, Chilwell, King, Gray, Musa, Ulloa.

Liverpool ayaa kulankan ku bilaabtay qaab ciyaareed aad u fiican waxayna markiiba culayska saartay kooxda martida ahayd ee Leciester City. Jawiga Anfield ayaa ahaa mid khaas ah iyada oo markii ugu horaysay ay Liverpool xili ciyaareedkan ka soo muuqatay garoonkeeda oo dib udhis lagu sameeyay qaybta Main Stand.

DAQIIQADII 13 GOOOOOOOOOL!Liverpool ayaa hogaanka ciyaarta kula wareegtay gool uu si qurux badan ugu xaragooday Roberto Firmino kaas oo kubbad fiican ka helay James Milner, wuxuuna Firmino wax gool badbaadin ah uu diiday goolhayeSchmeichel, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Reds hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

reds

 

DAQIIQADII 31 GOOOOOOOOOOOL!Liverpool ayaa dadaalkeeda ay laba jibaartay kula timid goolkeeda labaad waxayna muujisay qaabka ciyaareedka fiican ay kulankan ku bilaabtay waxaana goolkan Reds u saxiixaySadio Mané kaas oo kubbad cajiib ah oo cidhib ah ka helay Daniel Sturridge, wuxuuna Mane ciyaarta ka dhigay 2:0 Liverpool hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Sadio Mane beats Kasper Schmeichel

DAQIIQADII 34 aadmusiibada Leicester City ayaa sii socotay waxaana ciyaarta dhaawac looga saarayDanny Simpson kaas oo aweedi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo waxaana lagu soo badalayLuis Hernández Rodríguez, waxayna Leicester City u muuqatay mid si wayn ugu dhibtoonaysay weerarka Liverpool.

DAQIIQADII 38 AAD GOOOOOOOOOL!.Leicester City ayaa goolkeeda ay muddada ka shaqaynaysay ku heshay qaabka ugu sahlan ee gool lagu dhalin karo kadib markii uu Lucas sameeyay qalad aan la rumaysan karin oo musiibo wayn ahaa waxaana hadiyada uu Lucas bixiyay goolkan ku dhaliyay Jamie Vardy kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Reds hogaanka ciyaartoya ku hayso.

Mignolet ayaa kubbad dhinaca midig ugu dhiibtay Lucas, laakiin xidiga ree Brazil ayaa isku dayay in uu u been guuro Okazaki laakiin nasiib xumadiisa kubbad uu doonayay in uu ku waabiyo ayaa ka baxsatay waxayna gaadhay meel uu Vardy ugu dhaw yahay oo goolka hortiisa ah sidaa daraadeed Vardy waxa uu u baahday kaliya in uu kubbada shabaqa ku taabto.

Liverpool ayaa qaybta hore heshay fursado badan laakiin fursadihii ugu fiicnaa ee aan gool loo badali waxaa laga badbadiyay Daniel Sturridge oo u muuqday in uu shabqa Foxes soo taabtay, si kastaba ha ahaatee, qaybta hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 2:1 ay Liverpool hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee kulankan ayay xamaasada ciyaartu noqotay mid laba jibaaran tahay iyada oo Liverpool ay markan jiibta iyo jaanta si fiican iskula heshay halka Leicester City ay weeraro deg deg ah ku raadinaysay goolka barbaraha.

DAQIIQADII 56 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!Alla muxuu gool ahaa!. Adam Lallana ayaa darbo cajiib ah ku dhaliyay goolka saddexaad ee Liverpool isaga oo kooxdiisa culayska kaga dulqaaday goolkan, wuxuuna Lallana goolkan ku dhaliyay kubbad uu si fiican u soo joojiyay Georginio Wijnaldum , iyada oo Lallana uu kubbad gantaal ah ku dhaqaajiyay shabaqa Leicester City wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Liverpool ku soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa.

Klopp ayaa markii uu helay goolka saddexaad shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saarayGeorginio Wijnaldum iyoDaniel Sturridge, wuxuuna kaydka uga yeedhayPhilippe Coutinho iyo da’yarkaKevin Stewart. Laakiin goolka Lallana ayaa u muuqday mid ciyaarta hurdada u diray isla markaana Leicester City neefta dib ugu celiyay.

DAQIIQADII 86 AAD Liverpool ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda afraad kadib markii uu Sadio Mane kubbad ku hor helay goolka Leicester City laakiin goolhaye Schmeichel ayaa sameeyay badbaadin aad u fiican si uu Manes uga beeniyo goolkiisa labaad.

DAQIIQADII 87 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL! Liverpool ayaa ugu danbayn la timid goolkeeda afraad ee ay fursadaha badan u soo abuurtay, waxaana goolkiisa laabad iyo goolka afraad ee Reds sida ugu sahlan ku dhamaystiray Roberto Firmino laakiin aan si cad u sheegno shaqada layaableh ee uu soo qabtay Sadio Mane kaas oo cidlo garoonka dhexdiisa ah kaga soo tagay goolhayeSchmeichel, wuxuuna kubbad u bixiyay Firmino oo xerada ganaaxa ku sugayay kubbada, xidiga ree Brazil ayaa si degan kubbada u maamulay ka hor intii aanu goolka Foxes oo cidla ah aanu si kubbada ku taaban,