David Cameron Oo Iska Casilay Xildhibanimadi Baarlanaka Wadanka Britain,
Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain David Cameron ayaa ka dagi doona xilka xildhibaanimada, iyadoo keeni doonta in doorasho cusub lagu qabto deegaanka uu matalayo ee Witney ee Oxfordshire
Mr Cameron, oo iska casilay ra'iisalwasaarenimada Britain kadib aftidii Midowga Yurub, ayaa sheegay inuusan rabin inuu ra'iisalwasaaraha cusub Theresa May shaqada ka sii jeediyo. Isagoo ka hadlaya deegaanka uu degan yahay ayuu sheegay inay tahay "sharaf wayn" inuu xildhibaan u noqdoWuxuu horay u sheegay inuu xildhibaan sii ahaan doono ilaa doorashada danbe,David Cameron oo 49 jir ah, ayaa ahaa xildhibaanka Witney tan iyo 2001, isagoo noqday hogaamiyaha Conservative-ka 2005 iyo ra'iisalwasaaraha Britain 2010-kii.
Xigasho BBC Somali |
|
||