Bayern Munich Oo Allainz Arenina Ku Dubatay Rostov, Ateltico Madrid Oo PSV Soo Garaacday, Kulankii Man City Oo Duufaano Loo Kansalay Iyo Napoli Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Soo Gaadhay Dynamo Kiev
waxayna Bayern Munich gaadhay guusheedii 13 aad oo xidhiidh ah ee ay Allainz Arena ku badasay kulamada Champions Leaque-ga.
Waxayna Bayern Munich guushan ku gaadhay gool uudhaliyayRobert Lewandowski, gool kale oo uu Thomas Muller ugu dabaal degay sanad guurada dhalashasdiisa 27 aad halka da’yarkaJoshua Kimmich uu laba gool kulankan ka dhaliyay waxaana goolka kale Bavaria u saxiixayJuan Bernat.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaa fariin cad u dirtay kooxaha ay ku wada jiraan Group D iyo guud ahaan kooxaha ka tartamaya Champions Leaque-ga, waxayna guushani ahayd guushii shanaad oo xidhiidh ay ee ay Bayern Munich ka soo gaadhay tartamada oo dhan iyada oo soo dhalisay 20 gool halka aan wali wax gool ah laga dhalin Manuel Neuer.
MAN CITY VS BORUSSIA M’GLABACH:
Club announcement: Tonight’s#UCLmatch between#mcfcand@borussia_enhas been postponed due to adverse weather conditions.#cityvbmg
CONFIRMED: We will take on@borussiatomorrow (Wednesday) at 19:45.
READhttp://manc.it/2cXHQ0W#cityvbmg
Kulanka PSV Eindhoven vs Atletico Madrid:
Kooxda xili ciyaareedkii hore soo gaadhay finalka Champions Leaque-ga ee Atletico Madrid ayaa guul ku bilaabtay Champions Leaque-ga kadib markii ay 1:0 ku soo garaacday kooxda PSV Eindhoven, waxaana guushan qaaliga ah kooxda Diego Simeone u horseedaySaul Niguez kaas oo dhaliyay goolka kaliya ee labada kooxood ay ku kala baxeen.
Laakiin kooxda PSV Eindhoven ayaa iska lumisay fursadii ugu fiicnayd oo ay dhibic kaga heli kartay kulankan waxaana rekoodhe ka lumiyayAndres Guardado iyada oo goolhayeJan Oblak uu kooxdiisa ka badbaadiyay in wax gool ah laga dhaliyo. Waxayna Atletico Madrid soo heshay saddex dhibcood oo aad muhiim u ah.
Kulanka Dynamo Kiev vs Napoli:
Kooxda Napoli ayaa ka soo kabsatay gool ay kooxda ree Ukraine eeDynamo Kiev uga hormatay waxaana kooxda Dynamo Kiev goolkan udhaliyayDenys Garmash laakiin guuldaro soo laabaso cajiib ah ay oo ay samaysay Napoli ayuu masuul ka ahaayeen saxiixa cusub eeArkadiusz Milik kaas oo muujiyay sababtii ay Napoli 30 milyan ugala soo wareegtay Ajax wuxuuna kulankan ka dhaliyay laba gool si uu Napoli ugu horseedo guul muhiim ah.
Bayern Munich Oo Allainz Arenina Ku Dubatay Rostov, Ateltico Madrid Oo PSV Soo Garaacday, Kulankii Man City Oo Duufaano Loo Kansalay Iyo Napoli Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Soo Gaadhay Dynamo Kiev
Kooxda shanta jeer ku gulaystay Champions Leaque-ga ee Bayern Munich ayaa soo dhawayn xun u samaysay kooxda Ruuska ka dhisan ee Rostov waxayna kooxda Carlo Ancelotti 5:0 ku xasuuqday kooxdan Rostov oo markii ugu horaysay soo gaadhay heerka Groupyada