Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish Oo La Dilay

0
Saturday September 17, 2016 - 08:15:50 in by salman abdi
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish Oo La Dilay

    Xafiiska gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah oo ay qaadeen xulafada ka dagaallamaysa Suuriya lagu dilay nin lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda dawladda islaamiga, meel u dhow magaalada kooxdaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah oo ay qaadeen xulafada ka dagaallamaysa Suuriya lagu dilay nin lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda dawladda islaamiga, meel u dhow magaalada kooxdaas ay xoogga ku leeyihiin ee Raqqa.


Hadal uu soo saaray Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in lagu dilay nin magaciisa loo yaqaanno Dr Wa'il, ama Wa'il Caadil Xasan Salman Al-Fayad. Ninkaas ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka warfaafinta ee kooxda IS, oo uu muraaqabayn jiray soo saarista fiidiyowyada borobagaandada ah ee muujinaya jirdilka iyo dilalka.

Horraantii todobaadkan ayuu Pentagon-ka sheegay in ninkii dhinaca borobagaandada ugu sarreeyey dawladda islaamiga, Abu Maxamed Al-Cadnaani, lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay bishii hore waqooyiga Suuriya.