Qaabkii Foosha Xumayd Ee Uu Sergio Ramos U Khiyaameyay Garsoore Oo Ceeb Wayn U Soo Jiiday Kabtanka Los Blancos Iyo Ramos Oo Si Waali Ah Jiliin U Sameeyay Si Uu Kaadhka Cas Uga Badbaado

0
Tuesday September 20, 2016 - 01:35:59 in by Burco Office
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkii Foosha Xumayd Ee Uu Sergio Ramos U Khiyaameyay Garsoore Oo Ceeb Wayn U Soo Jiiday Kabtanka Los Blancos Iyo Ramos Oo Si Waali Ah Jiliin U Sameeyay Si Uu Kaadhka Cas Uga Badbaado

    Warbaahinta aduunka gaar ahaan saxaafada Spain ayaa si gaar ah uga hadashay qaabkii foosha xumaa ee uu kabtanka Real Madrid u khiyaanay garsooreJose Hernandez ee kulankii ay Real Madrid guusha 2:0 ahayd ka soo gaadhay kooxda Espanyol. Sergio Ramos ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta aduunka gaar ahaan saxaafada Spain ayaa si gaar ah uga hadashay qaabkii foosha xumaa ee uu kabtanka Real Madrid u khiyaanay garsooreJose Hernandez ee kulankii ay Real Madrid guusha 2:0 ahayd ka soo gaadhay kooxda Espanyol. Sergio Ramos ayaa si cadaan ah u sameeyay

wax fool xumo wayn ku ah xidig wayn oo ka ciyaara koox u wayn sida Real Madrid isla markaana waxa uu ceeb wayn u soo jiiday kooxdiisa iyo naftiisa.

Sergio Ramos ayaa kaadhka digniinta ah loo taagay daqiiqadii 3 aad ee bilawgii kulankii Espanyol kadib markii uu qalad xun ku galay gool dhaliyaha Espanyol ee Pattistoa isaga oo marka hore Ramos si sahlan kubbada ku lumiyay laakiin waxa ciyaarta laga saari lahaa oo kaadhka cas loo taagi lahaa daqiiqadii 25 aad adib markii uu si badheedh ah gacantiisa ugu celiyay darbo uu goolka Madrid ku tuurayHernán Pérez laakiin Ramos ayaa si uu kaadhka cas ugu badbaado iska dhigay in kubbadu ay wajiga kaga dhacday wuxuna isku tuuray dhulka isaga oo ka been sheegay xanuun aan hayn.

Espanyol-Real Madrid en imágenes

Jamaahiirta Espanyol iyo ciyaartoyda kooxda martida loo ahaa ayaa cod dheer ku mudaharaaday laakiin garsoore Jose Hernandez ayaa rumaystay jiliinta beenta ah ee uu Ramos sameeyay si uu casaan uga badbaado taas oo garsooraha laftiisa ceeb wayn ku noqotay in uu arki waayay qalad sidan u wayn isla markaana ciyaarta saamayn wayn ku yeelan lahaa xili gool la’aan ay ciyaartu ahayd.

Sergio Ramos ayaa nacaseeyay garsooreJose Hernandez wuxuuna ka dhigay mid aan fahmi karin been abuurka uu sameeyay iyo qabka uu aan la rumaysan karin ee uu natiisa xanuun aan hayn ugu muujiyay. Wargaysyada Spain ugu waa wayn ayaa arintan si wayn uga hadlay iyada oo AS iyo Sport ay ku tilmaameen mid ceeb ah.

Sharciga Spain ayaa dhigaya in haddii ciyaartoygu uu kubbada ku ku celiyo kubbada in ay ugu yaraan kaadhka digniinta ah tahay taas oo hadal la’aan ah in Ramos uu kaadhka digniinta ah ee labaad ku qaadan karay kubbada uu gacanta ku helayay, waxayna Espanyol heli kartay fursad ka fiican tii ay garsooreJose Hernandez ka heshay.

Sergio Ramos should have been sent off

Jamaahiirta Espanyol ayaa si wayn uga cadhooday go’aanka uu garsooreJose Hernandez uu ku ciqaabi waayay Ramos waxayna ku heesayeen” Taas oo la micno ah: ” Kani waa sida ay Real Madrid ku guulaysato”. Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos oo hore u soo qaatay 21 kaad casaan ayaa xalay nasiib ku lahaa in uu ku badbaaday jiliin aan caadi ahayn oo uu sameeyay. Halkan hoose ka fiiri qaabka ay wargaysyada ugu waa wayn Spain iyo qaar kale ay uga hadleen jiliinkii Ramos.

 

 

 

 

 

Ramos is very sly there. Blocks a shot (outside box) with his hands and is down holding his face. Naughty.