Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw gaaray Magaalada Garowe.

0
Tuesday September 20, 2016 - 15:49:32 in by salman abdi
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw gaaray Magaalada Garowe.

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goordhaw ka dagay garoonka Diyaaradaha magaalada Garawe ee xarunta Puntiland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goordhaw ka dagay garoonka Diyaaradaha magaalada Garawe ee xarunta Puntiland. Madaxweynaha Puntiland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno kale oo katirsan Maamulka Puntiland ayaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo wafdiga la socday.

Ra'isul Wasaaraha iyo xubnaha la socday ayaa loo galbiyay qasriga Madaxtooyada Puntiland ee kuyaala magaalada Garawe, waxa uuna halaasi kula kulmi doonaa Madaxda Maamulka Puntiland, waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntiland.

Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana booqaashada Garawe lagu tilmaamay in ay qeyb ka tahay ololihiisa uu ku raadinayo taageero si loo doorto.