Top-News;Maxamed Biixi Yoonis Oo Waxba Kama Jiran Ku Tilmamay Warar Ay Ka Qoreen Qaar Kamida War Baahinta Oo Ah Inuu Noqon Doono Raysalwasaaraha Somaliya.

0
Tuesday September 20, 2016 - 15:56:36 in by salman abdi
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Top-News;Maxamed Biixi Yoonis Oo Waxba Kama Jiran Ku Tilmamay Warar Ay Ka Qoreen Qaar Kamida War Baahinta Oo Ah Inuu Noqon Doono Raysalwasaaraha Somaliya.

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si adag u beeniyay warar la baahiyay oo sheegaya inuu noqon doono raysalwasaaraha dambe ee Somaliya marka ay dhalato dawlad cusubi ee Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si adag u beeniyay warar la baahiyay oo sheegaya inuu noqon doono raysalwasaaraha dambe ee Somaliya marka ay dhalato dawlad cusubi ee Somaliya.

md. Biixi, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo dacaayad ah oo lagu dilayo sumcadda uu ku dhex leeyahay shacabkiisa Somaliland, "Waxaan doonayaa inaan beeniyo warar dacaayad ah oo aanay waxba ka jirin oo la iga baahiyay oo sheegaya inaan noqonayo raysalwasaaraha dalka Somaliya.” ayuu yidhi Maxamed Biixi

Waxaanu intaas raaciyay, "Warkaas waxba kama jiraan, waana dacaayad

la iska garanayo cidda ka dambaysa oo lagu dilayo sumcadda aan ku dhex leeyahay dadkayga Somaliland. Anigu nin Somaliya iyo meel kale toona u socda ma ihi, waxaan ahay nin aaminsan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, horena ugu soo shaqeeyay haddana u shaqaynaya, waxaan aaminsanahay Somaliland oo ka mid noqota dalalka la aqoonsanyahay oo hesha xaqa ay shacabka reer Somaliland leeyihin.”

 

Wuxuu intaas raaciyay, "Markaas warkaasi waa mid raqiisa oo aanay gebi ahaanba waxba ka jirin, mana aha wax iga suurtooba.”

 

Sources:Geeska