Neymar iyo Gerrard oo maantay dhaawacyo fudud kaso gaareen tababarka England iyo Brazil.

0
Tuesday June 10, 2014 - 07:22:11 in by salman abdi
  • Visits: 1524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar iyo Gerrard oo maantay dhaawacyo fudud kaso gaareen tababarka England iyo Brazil.

    Xiddiga Brazil iyo kooxda Barcelona Neymar De Silva ayaa maantay kudhaawacmay xiisadii tababarka qarankiisa uu isugu diyaarinaayo kulanka furitaanka ee maalinta khamiista ah Brazil laciyaari doonto xulka Croatia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Brazil iyo kooxda Barcelona Neymar De Silva ayaa maantay kudhaawacmay xiisadii tababarka qarankiisa uu isugu diyaarinaayo kulanka furitaanka ee maalinta khamiista ah Brazil laciyaari doonto xulka Croatia.

Neymar ayaa isaga tagay xiisadii tababarka si uu usoo qaato daawo isagoo dib ugusoo noqday si caadi ahne udhameestay, saxaafada Brazil ayaa sheegtay in dhaawaca Neymar uusan aheyn mid sidaas usii weyn, isagoo ka murqacday canqawga midig.


 

Dhanka kale kabtanka qaranka England Steven Gerrard ayaa dhameesan xiisadii tababarka ee ciyaartoyda England kuqaateen Rio, dhaawaca Gerrard ayaa sido aheyn mid weyn balse kuma uusan soo noqonin tababarka.

England ayaa kulankooda furitaanka ee koobka adduunka laciyaari doonto Italy maalinta sabtida ah, dhaawaca Gerrard ayaan lahubin inuu seejin doono kulankaas, balse waxey u egtahay ineesan aheyn mid sidaas ubuuran.

Saxaafada England ayaa sheegtay in Gerrard uu dhaawac yar kasoo gaaray bowdada, Roy ayaa rajeynaayo in ciyaartoydiisa dhammaan ay diyaar uwada noqdaan kulanka Italy marka laga reebo Chamberlin oo maantay tababar gooni ah qaatay.



Markasta Isha Ku Hay Ciyaraha Ka Socda Dunida iyo Wararka Udanbayay Shabakada Calamiga Ee Afkashacabka.com