Jose Mourinho Oo Weerar Toos Ah Ku Qaaday Liverpool & Jamaahiirtooda Ka Dib Barbarihii Ay Kooxdiisa Man United Ku Gashay Anfield.

0
Tuesday October 18, 2016 - 11:22:34 in by Burco Office
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Weerar Toos Ah Ku Qaaday Liverpool & Jamaahiirtooda Ka Dib Barbarihii Ay Kooxdiisa Man United Ku Gashay Anfield.

    Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in Liverpool aysan aheyn koox cajiib ah sida ay saxaafada ka dhigayeen ka dib markii ay kooxdiisa barbaro goolal la'aan ah ku qabteen kooxda Jurgen Klopp.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in Liverpool aysan aheyn koox cajiib ah sida ay saxaafada ka dhigayeen ka dib markii ay kooxdiisa barbaro goolal la'aan ah ku qabteen kooxda Jurgen Klopp.


Kulan fursado yar la iska helay oo ka dhacay Anfield, kooxda martida loo ahaa ayaa waxaa inta badan caqabad ku noqday habdhismeedka daafac ee Man United.

"Dhibicdaan waxa ay ka celisay inay seddex ku guuleystaan” ayuu yiri Mourinho.

Natiijadaan ayaa ka dhigtay Liverpool inay ku jirto kaalinta afaraad ee Premier League iyagoo leh 17 dhibcood, waxaana ay seddex dhibcood ka sareeyaan United oo kaalinta 7aad ku jirta.

Liverpool ayaa ku qasabtay goolhaye David de Gea inuu sameeyo labo badbaadin oo cajiib ah qeybtii labaad, isagoo kubad gool loo fishay ka badbaadiyay Emre Can halka uu sidoo kale si fantastik ah kubad uga bixiyay Coutinho.

Kooxda Man United ayaa kubada heysatay kaliya boqolkiiba 35, waana tiradii ugu yareyd ee laga diiwaangeliyay United kulan Premier League ah tan markii shirkada Opta ay bilowday inay uruuriso xogaha xilli ciyaareedkii 2003-04.

Markii wax laga weydiiyay heerka hoose ee kubad-heysashada kooxdiisa, Mourinho ayaa u sheegay Sky Sports: "Taasi waxa ay aheyd ciyaarta aan ciyaarnay – ma koontarooli karin ciyaarta anagoo kubada heysana waqtiga oo dhan.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: "Labo darbo oo goolka ku bartilmaameedsan ayay heleen iyagoo kubada heystay boqolkiiba 65. Waa inaad dhaleeceysaan Liverpool. Waa dhibaatadooda, anaga ma ahan dhibaatadeena.

"Waan kantaroolnay ciyaarta kaliya ma ahan taatiko ahaan, laakiin dareenka ciyaarta ayaan koontaroolnay. Kulankaan waxa uu ahaa kii ugu aamusnaanta badnaa ee aan Anfield ku arko, waxaana filayay wax ka duwan.

"Falcelinta jamaahiirtooda waxa ay aheyd mid niyadjab ah. Dadku waxa ay filayeen inaan halkaan imaan doono islamarkaana dhib la kulmi doono, taasina ma aysan dhicin.”