Koobka Adduunka 2014 Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Bilbaanaya Brazil.

0
Thursday June 12, 2014 - 11:19:36 in by Super Admin
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koobka Adduunka 2014 Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Bilbaanaya Brazil.

    Koobka Adduunka ee 2014 ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah u bilaaban doona marka xulka martida loo yahay ee Brazil ay la ciyaaraan Croatia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koobka Adduunka ee 2014 ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah u bilaaban doona marka xulka martida loo yahay ee Brazil ay la ciyaaraan Croatia.


Koobkaan socon doona mudada bisha ah ayaa waxaa ka qeybgalaya 32 xul wadan oo u tartamaya finalka Rio ee 13ka July.

Kulanka furitaanka waxaa ka hormari doonta xaflada furitaan ah oo ka dhaceysa Sao Paulo taasoo lagu soo bandhigi doono waxyaabo ku saabsan bey’ada, dadka iyo kubada cagta.

"Aan idiin sheego waqtigii waa yimid. Waxaan isla soconaa anagoo mideysan. Koobkaan waa Koobkeenii Adduunka” ayuu yiri macalinka Brazil Luis Felipe Scolari shalayto.

 

Sannadkii hore in ka badan hal milyan ruux ayaa isagu soo baxay wadooyinka Brazil iyagoo ka soo horjeeday lacagta xad dhaafka ah ee ay dowlada ku bixisay martigelinta Koobka Adduunka.

Dowlada martida loo yahay ayaana dooneysa inay ka fogaato inay taasi soo noqoto, waxaana haweyneyda madaxda ah ka ah dalkaas Dilma Rousseff ay ku hanjabtay inaysan aqbali doonin banaanbaxyo rabashado wata oo hareeya Koobka Adduunka.

Kumanaan boliis iyo askar dheeri ah ayaa lagu soo daabulay garoomada si loo xaqiijiyo in ciyaaraha u dhacaan buuq la’aan.




afkashacabka.com / Sports

contact@afkashacabka.com