Doodii Dhallinta Curdinka iyo Maxsuulkii ka soo baxay. WQ: JIMCALE CAWKE

0
Saturday June 21, 2014 - 09:59:33 in by Super Admin
  • Visits: 1240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doodii Dhallinta Curdinka iyo Maxsuulkii ka soo baxay. WQ: JIMCALE CAWKE

    Waa goob kulmisay in badan oo ka mid ah dhallinta reer Somaliland ee ku kala nool Daafaha Dunida,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa goob kulmisay in badan oo ka mid ah dhallinta reer Somaliland ee ku kala nool Daafaha Dunida,


 waa dhallin aqoon kala gadisan leh, gaar ahaan Aqoonta diiniga ah, ta maadiga ah mid dhaqan iyo waayo aragnimoba leh, Mid dhif ah taas oo aa ah mid Caalamiya Aduun mar madaama ay kala joogaan Wadamo kala duwan oo ku kala yaala qaradaha Aduunka.

Kulmiskooda iyo isku imaanshahoodu maaha Mid Qoys, mid qaraabo, iyo Tollnimo. Waa mid aqooneed waa mid dhallinyarnimo, waa mid ilbaxnimo hagayso waa mid uu suurta galiyay Technologyga casriga ah, kaas oo ku salaysan Fikir caafimaad qaba iyo is dhaxgal akhyaarinimo oo falsafadeedu sareeyo.

Doodan ayaa ka dhex hilaacday dhallinntan oo ku bahoobay Group ay ka dhex  samaysteen Madasha isku xidhka bulshada ee WHATSAPPka, kuwaas oo ula magac baxay groupkooda DHALLINTA CURDINKA AH, Aalada Whatsappka ayaa  imika u muuqata mid ku sii siqaysa in ay noqoto Hormoodka isgaadhsiinta aduunka.

Doodan oo cinwaankeedu ahayd TAHRIIBKU FAA’IIDO MISE KHASAARE  ayaa waxa yaab leh in dhamaan dhalinta Dooda ka qayb qaadanaysay ay ka sinaayeen in uu tahriibku yahay Aafo ku habsatay Dhallinta, Waxase ay si dhaw ugu kala aragti duwanadeen sababaha kalifaya in ay Tahribaan, qaarkood ayaa Hoosta ka xariiqay In Kibir iyo dalalkas ayaa inaga wanaagsan u tahriibayaan, halka qaarna ay diirada dul dhigteen in markii ay arkeen dhallin hore u tahriibtay oo Guryo soo dhisanaya, Baabuur cad-cad soo dajisanaya ay iyaguna Miir kaceen ka dibna Ku sii daayeen Safarka Tahriibka.

Akhyaarta fikirkaa kasoo horjeeday ayaa tilmaamay iyagu in Ayba yar tahay Qof intu tahriibay Guri cad Dhistay ama gaadhi cad soo dajistay, waxayna Daliil ka dhigteen marka lays barbar dhigo Waxtarka ay dalka kusoo kordhiyeen dadka tahriibay ay tahay Faro guudkood ayna yar tahay in la arko waxay dhistaan daayoo  reerkoodii Ku caydhoobay diristooda aanay jirin haba yaratee  wax ay tareen ama ay  kusoo celiyeen.


ugu danbayntii waxay talo usoo jeediyeen Dhallinta u xadhko xidhan Tahriibka iyo sidoo kale kuwa Yurub tahriibka ku galay oo ay sheegeen in Hiid kicinta ay iyagu kow ka yihiin.

Talo:

Dalka shaqo La’aani kama jirto ee Isla wayni iyo qab aan meel gaadh-siisnayn baa ina haya dhallineey Dalka inaga leh ee aynu ku dhaqano ku dhisano oo ka shaqaysano.

Darsee dhibka kaa horeya ka hor tagistaada Yurub min ka bilow Xadka Somaliland iyo Ethiopia iyo jeelkii Godka ahaa ee Madoobaa ee Ethiopia, ku xigsii  Xadka adag ee Ethiopia iyo Sudan oo xabaduhu nolol maalmeed u yihiin, In badan lagu dilay lagu dhaawacay isla markaana lagu xoogay, sii dhaaf xaga saxaraha iyo silica aan kala go’a lahayn ee Mawdku saldhiga wayn ku leeyahay Yeey-duna habqanayso isla markaasna Dad Bilaa indho islahaa ku dhaaf u diray Jidki iyo hayaanki runta ahaa ee qorshaha lahaa isla markaasna nafti macanayd halkaa ku waayay, anba dhawaac kasoo gaadhay,  usii dhaaf addoonsiga Liibiya yaala ee Cadaawada iyo Jeel saxariirku uu weheliyo, Baddu Shahiid sida kuma ahee  Shaydaanka warkiisa weeye Naftu halaag laguma odhane Han u yeel miyaanay ahayn warkii Eebe, Qaxoonti Malta anba Lanbaduusa ahi muxu aayo leeyahay Kolba Dhiig laagaa shubanayo ama xubno Jidhkaaga Waxtar u leh isbaarbaar ahaan lagala baxayo bilaa abaal waliba. Dhalinyaro Yurubta aad Sahanka iyo Halbeegu ahaa maxaa kaaga horeeya Shaqo….

Shaqo kaama horeysee Xaadh-xaadh wadooyinka, barafka meelaha Tuulan xili qabow gur, Dadka Da’da ah U adeeg oo xanaanee waliba aan ahayn Jinsigaaga,Waaryaa ina Aftaag ama inna Aftaag soodigi wadanka markaad joogto xarago badnaa maanaga ayaad naga Dhici jirtay ee shaqo kasta oo soo baxda odhan jiray maaha taydii tani, oo waa yaabe yaa lahaa, sowtan Orormo iyo Laaji qabteen shaqadii aad ka caratay ee hadana aad Yururb ku hayso ee Iyaguna lacag taad hayso mid Ka badan wadanka ka shaqaysteen, Shaqadi Guriga ee marka lagu dhaho Hooyo waxa inoo qabo aad odhan jirtay ma gayo Soodiga Laxooxda iyo raashinka karsanaya ee waliba ku faraxsan ee Facebook soo dhigaya, sodigan dharkii aad hablaha jaarka la baryi jirtay maydhistooda Kaawiyadana aad u baryi jirtay aad qabanayso waliba aanad naga xishoonayn ee hadana  Facebook soo dhigayso adoo xarago Moodaya, Hoogtaye isma Ogid Ka sii socda ee arkaya lakin indhaha ka qarsanaya Runtaas meesha taala keliya indhihiisu ay arkayaan Sawiro yar yar oo uu meel dadki lahaa qurxiyeen ku soo galayo oo laga yaabo in meeshaa uu hortagan yahay galisteeda aan looba ogolayn. Caajibatal Qudri bay islamuhu odhan jireen markay wax  yaab leh arkaan.

Gabagabo: ma maqashay Ninki intu Hooyadii qaaday ee xanbaray Safar dheer ka dibna yidhi Talow ma guday waajibkii ama Abaalki  Hooyaday Qayb ka mid ah Uun, Ka dibna lagu yidhi Iyadoo xanjeerka kugu sida ee aad yara dheeliday Haq-dii ka yeedhay xataa maad Gudin. Bal fiiri Intaad jidka kusi Jirtay imisa Jeer bay kaa naxeen walidkaa ma tiro ayay leedahay Walaahi waa lagu waydiin maalin aan maanta ahayn .

"Dhalinyaro Aynu Tahriibno Talo maahee Tab kale aynu Keeno”.


Jimcale Cawke

Berbera, Somaliland

Whatsapp ID 0634449003

Cawke99@hotmail.com