Jose Mourinho Oo Amaan Ugu Qubeeyay Chelsea & Falsafada Ciyaareed Ee Antonio Conte.

0
Friday December 23, 2016 - 12:34:44 in by Burco Office
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Amaan Ugu Qubeeyay Chelsea & Falsafada Ciyaareed Ee Antonio Conte.

    Jose Mourinho ayaa sheegay in falsafada Chelsea iyo awoodooda xilli ciyaareedkan inay ka dhigi doonto mid ay adag tahay in lagu garaaco tartanka horyaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa sheegay in falsafada Chelsea iyo awoodooda xilli ciyaareedkan inay ka dhigi doonto mid ay adag tahay in lagu garaaco tartanka horyaalka.

Mourinho ayaa sheegay inay noqon doonto wax dhib badan in Manchester United ay soo qabato Blues kuwaasoo hogaanka u haya Premier League islamarkaana 13 dhibcood ka sareeya kooxdiisa cusub.

 

53 jirkaan ayaa laga soo ceyriyay Chelsea bishii December ee sannadkii h--e laakiin waxa uu sheegay qaabka uu Antonio Conte u ciyaarsiinayo iyaga waqti xaadirkaan iyo qaabka ay natiijooyinka uga gaarayaan kulamada inay la micno tahay inaysan dhibco badan dhumin doonin haatan ilaa iyo bisha May.

Wareysi uu siiyay Sky Sports News, Mourinho ayaa yiri: "Aad ayay u adag tahay, waa inaad daacad noqoto oo aad sidaas tiraahdo. Kaliya ma ahan farqiga dhibcaha ee inoo dhaxeeya laakiin sidoo kale falsafadooda ciyaareed.

"Waxa ay dhalinayaan hal gool waana ay badinayaan, wax badan ayay difaacdaan kubada si fiican ayayna u difaacdaan, 20ka daqiiqo ee ugu danbeeyana waxa ay soo geliyaan daafacyo, kalama jecla waxa ay dadku dhahayaan, kaliya waxa ay doonayaan inay badiyaan.

"Sababtaas darteed ma arko iyagoo dhuminaya dhibco badan.

"Marka xisaabta dhibcaha laga eego United waa u suurogal inay horyaalka ku guuleysato, laakiin inay taasi dhacdo aad ayay u dhib badan tahay. Farqiga inoo dhaxeeya waa mid muuqda.”