Haweeney Muslimad ah Oo Markii Ugu Horeysay Ra'isul wasaare ka Noqoneysa Dal ka tirsan Yurub +Sawirro

0
Sunday December 25, 2016 - 01:50:00 in by Burco Office
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Muslimad ah Oo Markii Ugu Horeysay Ra'isul wasaare ka Noqoneysa Dal ka tirsan Yurub +Sawirro

    madaxweynaha dalka Romania Kalaus Johanis ayaa u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Sevil Shahaydeh inay qabato xilka raisul wasaaraha wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

madaxweynaha dalka Romania Kalaus Johanis ayaa u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Sevil Shahaydeh inay qabato xilka raisul wasaaraha wadankaas. Haweeneydan oo ka tirsan Muslimiinta tirada yar ee ku nool dalkaasi ayaa markii xilkaas loo magacaabay la yaabtay, maadaama aysan magac ku laheyn siyaasada wadankaas.

Sevil Shahaydeh oo 52 jir ah waxay muddo 6 bilood mar soo noqotay Wasiirka Horumarinta Gobaleedka sannadkii hore.

Maalmaha soo socda ayaa Sevil Shahaydeh loo dhaarin doonaa xilkan iyadoo noqoneysa qofkii ugu horeeyey muslim ah ee raisul wasaare ka noqota dal ku yaalla Qaarada Yurub.

Romaniya oo ku taalla bariga qaarada Yurub ayaa xiligii dagaalkii qaboobaa ka tirsanaan jirtay dowladihii xulufada la ahaa Midowgii hore ee Soofiyeeti, waana dal dhaqaalihiisu aad u hooseeyo marka la eego horumarka ka jira inta badan dalal kale ee qaarada Yurub.