XULKA DALKA NETHERLAND OO ISKA REEBTAY XULKA DALKA CHILE, KAALINTA KOOWAADNA KUSOO BAXDAY

0
Tuesday June 24, 2014 - 09:56:16 in by Burco Office
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XULKA DALKA NETHERLAND OO ISKA REEBTAY XULKA DALKA CHILE, KAALINTA KOOWAADNA KUSOO BAXDAY

    Netherland ayaa guusheedii seddexaad ee wareega kulamada iswada araga ah kagaartay Chile oo ay isku dhibco ahaayeen, xulka qaranka Holland ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Netherland ayaa guusheedii seddexaad ee wareega kulamada iswada araga ah kagaartay Chile oo ay isku dhibco ahaayeen, xulka qaranka Holland ayaa

xaqiijiyey inuu kusoo baxay kaalinta koowaad ee kooxda labaad, iyagoo kusoo baxay tiro buuxdo.Netherland ayaa goolasha daar furatay daqiiqadii 77aad, Leror Fer ayaa udhaliyey, halka goolka labaad uu udhaliyey Memphish Depay waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta lagu daray, guushaan kadib Netherland ayaa usoo gudubtay wareega labaad ee koobka adduunka iyadoo leh sagaal dhibcood halka Chile ay ku istaagtay lix dhibcood oo ay hore ulaheyd.

Chile iyo Netherland ayaa keliya hal mar is arkay, sanadii 1928 ayey barbaro 2-2 wada galeen, Holland weligeed labo kulan oo isku xigto kama aysan badin kooxaha qaarada Americada koonfureed, koobkii adduunka 1978 ayey is arkeen Peru oo ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah, iyadoo Final kana ay isku arkeen Argentina oo 3-1 kaga badisay.

Chile 10kii kulane udanbeesay ee ay kahortageen kooxaha xulalka Europe labo kamid ah ayey badiyeen, Netherland ayaan wax guuldaro ah aysan kasoo gaarin wareega kulamada iswada araga taniyo 1994tii.




Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com