Qorshaha Man United Ee Xagaaga Oo La Ogaaday Iyo Jose Mourinho Oo AFAR Xidig Oo Muhiim Ah Lacag Waali Ah Ku Kharash Garayn Doona.

0
Thursday January 12, 2017 - 03:55:55 in by Burco Office
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Man United Ee Xagaaga Oo La Ogaaday Iyo Jose Mourinho Oo AFAR Xidig Oo Muhiim Ah Lacag Waali Ah Ku Kharash Garayn Doona.

    Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa haddaba diyaarsaday qorshihii uu suuqa xagaaga kooxdiisa xoojinta ugu samayn lahaa waxaana la ogaaday liiska xidigaha ay Manchester United doonayso in ay kooxdeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa haddaba diyaarsaday qorshihii uu suuqa xagaaga kooxdiisa xoojinta ugu samayn lahaa waxaana la ogaaday liiska xidigaha ay Manchester United doonayso in ay kooxdeeda

ku soo xoojiso dhamaadka xili ciyaareedkan. Mourinho ayaa hadda jeclaysanaya nolosha Old Traffrod oo uu dhibaato badan ku soo dhadhamiyay bilawgii xili ciyaareedkan waxayna kooxdiisu ku jirtaa xaalad fiican oo horumar wayn samaynaysa

Sida uu ku waramay wargayska Daily Mirror, Manchester United ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan lacag qaali ah ku dalban doonta afarta xidig ee kala ahAntoine Griezmann oo xidig muhiim ah ka kooxda Diego Simeone eeAtletico Madrid , labada ciyaartoy ee kooxda Benfica ka wada tirsan ee Victor Lindelof & Nelson Semedo iyo waliba xidiga kooxda AS Monaco ee Tiemoue Bakayoko.

Manchester United ayaa haddaba 22milyan oo gini ka helaysa iibkaMorgan Schneiderlin oo Goodinson Park ku biiraya waxaana sidoo kale la filayaa inMemphis Depay uu isna ka bixi doono Old Traffrod taas oo Red Devils ka caawinaysa in ay lacag kala soo baxdo xidigo aan qorshaha kooxeeda ku jirin si ay lacagtooda iyo dakhliga kale ee kooxdeeda ugu dalbato xidigaha uu Mourinho doonayo.

Mourinho ayaa si cad u sheegay in suuqa bisha January aanu kooxdiisa u noqon doonin mid ay ciyaartoy la soo wareegaan balse uu noqon doono mid ay ciyaartoy iska iibiyaan, taas oo la micno ah in suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan uu doonayo in uu suuqa si buuxa ugala soo wareego xidiga uu kooxdiisa ku soo xoojin doono.

Ugu danbayn sida uu Daily Mirror sheegay, gudoomiye ku xigeenka Manchester United eeEd Woodward , mulkiilayaasha Man United ee Glazers iyo Jose Mourinho ayaa haddaba og ciyaartoyda ay lacgta suuqa ku bixin doonaan dhamaadka xili ciyaareedkan.