Dibad-baxyo Lagaga Soo Horjeedo Donald Trump Oo Ka Dhacay Magaalada Washington.

0
Saturday January 21, 2017 - 11:12:15 in by Burco Office
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad-baxyo Lagaga Soo Horjeedo Donald Trump Oo Ka Dhacay Magaalada Washington.

    Xili ay weli socoto xafladaha caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump oo maanta xilka loo dhaariyey ayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili ay weli socoto xafladaha caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump oo maanta xilka loo dhaariyey ayey

magaalada Caasimada ah ee Washington DC ka dhaceen banaanbaxyo ay dhigeen dadka kasoo horjeeda siyaasada hogaamiyaha cusub.

Washington-Banaanbax-Trump

Magaalada Washington ayey ka dhaceen banaanbaxyo ay dhigayeen kooxo dhalinyaro ah oo kasoo horjeeda Madaxweynaha cusub iyo xisbigiisa kuwaasi oo qeybo kamid ah bartamaha magaalada ka geystay burburin goobo ganacsi iyo gaadiid.

Xaflada caleemo saarka iyo dhaarinta ayaa si habsamileh u dhacday iyadoo amniga si weyn loo adkeeyey, waxaana magaalada Washington ku sugan kumanaan kun oo u timid inay ka qeyb galaan xafladan.

Balse sida muuqata dadka kasoo qeyb galay sanadkan xaflada dhaarinta ayaa in badan ka yar kuwii ka qeyb galay xafladii lagu caleemo saaray Madaxweynihii hore Barack Obama markii ugu horeysay ee xilka loo dhaariyey sideed sano kahor.

Trump ayaa dhinaca kale taariikhda noqday Madaxweynihii ugu taageero yaraa xiliga uu xukunka qabanayo iyadoo la sheegay in 48% shacabka oo kaliya kalsooni ku qabaan, taasi oo aad uga yar marka loo barbar dhigo Barack Obama oo markii xilka qabanayey taageero ka heystay 79% shacabka Maraykanka.