Sida ugu fudud ee aad bisha ramadaan gudeheeda, aad u dhamayn karto 30 sodonka juz ee qur'aanka kariimka ahi, waa sidan/Qalinkii ibraahin xamari

0
Friday June 27, 2014 - 15:55:41 in by Cerigabo Office
  • Visits: 2729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Sida ugu fudud ee aad bisha ramadaan gudeheeda, aad u dhamayn karto 30 sodonka juz ee qur'aanka kariimka ahi, waa sidan/Qalinkii ibraahin xamari

    Waxaan kugu baraarujin lahaa walal kayga akhristaha ah ee muslimka ahaw in aad habayso oo ku tala gasho sidii aad u waajihi lahayd bisha ramadaan si aad la hadho wixii khayr iyo dambi dhaaf ah ee ku guda jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan kugu baraarujin lahaa walal kayga akhristaha ah ee muslimka ahaw in aad habayso oo ku tala gasho sidii aad u waajihi lahayd bisha ramadaan si aad la hadho wixii khayr iyo dambi dhaaf ah ee ku guda jira.

Waxaan kugu baraarujin lahaa walal kayga akhristaha ah ee muslimka ahaw in aad habayso oo diyaariso oo nidaamiso sidii aad u waajihi lahayd bisha barakaysan ee ramadaan si aad la hadho wixii khayr iyo dambi dhaaf ah ee ku guda jira.

Sida ugu fudud ee aad bisha ramadaan gudeheeda, aad u dhamayn karto 30 sodonka juz ee qur’aanka kariimka ahi, waa adiga oo wakhtigaaga habeeya.

Sida u inoo sheegay Nabi Maxamed (NNKH) xarafkii quraanka ah eed akhridaba waxaa lagaaga qorayaa 10 ajar (( ا لـم alif laam miim waa aayad qur aah ah oo ka kooban 3 xaraf aayadda. Sadexdaa xaraf midkasta oo ka mid ah waxaa lagaa siinayaa 10 ajar ah, markaa bal qiyaas kitaabka qur’aanka ahi imisa xaraf ayuu ka kooban yahay haddii aad dhamaysana imisa ajar ayaad ka helaysaa?

1

Salaadda subax ka dib

Akhri laba maqre ama 5 bog oo qur’aanka ah

2

Salaadda duhur ka dib

Akhri laba maqre ama 5 bog oo qur’aanka ah

3

Duhur iyo casar dhexdooda

Akhri laba maqre ama 5 bog oo qur’aanka ah

4

Salaadda casar ka dib illaa maqrib

Akhri laba maqre ama 5 bog oo qur’aanka ah

5

Salaadda maqrib ka dib

Haddii aad akhrin karto quraan kale akhri

6

Salaadda cishe ka dib

Taraawiixdii u diyaar garaw

 

Haddii aad sidaa samayso taa mic neheed waxaa weeye maalintaa waxa aad dhamaysay hal juz oo qur’aanka ka mid ah.

Haddii aad maalinkasta oo ramadaan ah aad dhamayso hal juz oo qur’aanka ka mid marka ay 30ka maalmood ee ramadaan dhamaadaan waxaa iyana aad dhamaynaysaa 30ka juz ee qur’aanka ah.

Marka laga yimaado akhriska qur’aanka waxa aad ku dedaashaa in aad dambiga iska yarayso ducadana badsato.

Ugu hanbalyee dadka muslimka dhalashada bisha ramadaan khaasatan waliba haddii aad joogto wadan gaalo ah ugana sheekee in aanay ramadaantu ahayn cuntada iyo biyaha oo la iska ilaaliyo oo kaliya.

Tuko taraawiixda iyo tahajudkaba ilaahayna ka bari in uu kugu kaalmeeyo cibaadadiisa.

www.afkashacabka.com

Qalinkii ibraahin xamari