Watford Oo Emirates Stadium Ku Daldashay Arsenal Xilli Wenger Iyo Wiilashiisa Ay Lumiyeen Booska Labaad

0
Wednesday February 01, 2017 - 08:13:00 in by Burco Office
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Watford Oo Emirates Stadium Ku Daldashay Arsenal Xilli Wenger Iyo Wiilashiisa Ay Lumiyeen Booska Labaad

    Laba gool oo ay kala dhaliyeenTroy Deeney iyo Younes Kaboul ayaa Arsenal ka tiday tareenka iyadoo wiilasha Walter Mazari ay guul ku gaareen garoonka Emirates, Gunners ayaana u muuqata koox lumisay fursad weyn oo ay ugu dhawaan kartay hogaanka horyaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba gool oo ay kala dhaliyeenTroy Deeney iyo Younes Kaboul ayaa Arsenal ka tiday tareenka iyadoo wiilasha Walter Mazari ay guul ku gaareen garoonka Emirates, Gunners ayaana u muuqata koox lumisay fursad weyn oo ay ugu dhawaan kartay hogaanka horyaalka.


Gunners waxey u muuqatay kooxda ugu cad-cad ee kulanka bilowgiiba balse si naxdin leh ayey u gudoontay laba gool oo cajiib leh 15-kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta.

ARSENAL 0 – 1 WATFORD

Younes Kaboul ayaa hogaanka u dhiibay Watford daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta markii uu si fiican u dhameystiray laad xor ah oo goolka agtiisa loo dhigay inkastoo ay kubada kusii dhacday Aaron Ramsey.

ARSENAL 0 – 2 WATFORD

Troy Deeney ayaa hogaanka u dheereeyay Watford markii uu ka faa’ideystay kubad uu Petr Cech ka badbaadiyay Etienne Capoue, daafaca Arsenal ayaana muujiyay ineysan u diyaarsaneen iney ilaashadaan goolkooda daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta.

HALIS!Daryl Janmaat ayaa sameeyay isku day gool loo fishay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta balse isku daygiisa waxaa beeniyay goolhaye Petr Cech.

Qeybta h--e ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 0-2 oo ay ku hogaamineyso Watford, waxeyna aheyd lama filaan uusan qof walba aamini karin, madama qof walba uu rajeynayay in Gunners waqti h--e kala diri doonto kooxda uu hogaamiyo Walter Mazzari.

Qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Gunners ay aheyd koox mar walba cadaadis saareysay Watford, madama ay xasuustaan in goolal lagu leeyahay.

Alex Iwobi ayaa u dhawaaday inuu niyada u dajiyo jamaahiirta Arsenal markii uu isku dayay inuu shabaqa Watford taabtay, kubad qurux badan ayey isla ciyaareen Sanchez balse kubadii uu goolka aadiyay Gomes ayaa ku dhagay daqiiqadii 54-aad.

Mar kale Arsenal ayaa u dhawaatay iney gool hesho markii Mesut Ozil uu kubad awood leh goolka aadiyay daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta balse mar kale Gomes ayaa ku dhagay.

ARSENAL 1 – 2 WATFORD

Alex Iwobi ayaa shabaqa soo taabtay markii uu kubad qurux badan ka helay Alexis Sanchez kaas oo si fiican uga soo xarooday dhinaca bidix ee Warford, karoos yar ayuu u qiyaanay iyadoo wiilka reer Nigeria uu si qurux badan u dhameystiray daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta.

Arsenal waxey sameysay wax walba oo ay ku heli kareen gool balse waxey iska caabin xoogan kala kulmeen daafaca Watford iyo goolhaye Gomes inkastoo Lucas Perez ay birta ka beenisay kubad uu si awood leh goolka ula eegtay.

Walter Mazzari iyo wiilashiisa waxey Emirates Stadium ku gaareen guul weyn iyadoo Arsenal ay u aheyd dhibaato weyn madama ay lumisay sadex dhibcood oo muhiim ah oo ay ugu dhawaan gartay Chelsea oo barbaro Anfield kula gashay Liverpool.

Natiijadaan Gunners waxey dhaxalsiisay iney 9-dhibcood ka hooseeyaan Chelsea oo hogaamineysa horyaalka waxeyna haatan fadhiyaan booska 3-aad ee horyaalka madama ay booska farqiga goolasha uga galeen Tottenham Hotspur oo barbaro la dhaafi weysay Sunderland.