Antonio Conte Oo Sharaxay Sida Ay Qoyskiisa U Saameysay Safarkii Uu Kusoo Daawaday Kulankii Derby d'Italia

0
Saturday February 11, 2017 - 11:07:06 in by Burco Office
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Oo Sharaxay Sida Ay Qoyskiisa U Saameysay Safarkii Uu Kusoo Daawaday Kulankii Derby d'Italia

    Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in xaaskiisa aysan ku farxin go'aankii uu ugu duulay dalka talyaaniga xilli uu u daawasho tagay kulankii Derby d'Italia waxeyna kusoo aaday waqti uu heystay sadex maalmood oo fasax ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in xaaskiisa aysan ku farxin go'aankii uu ugu duulay dalka talyaaniga xilli uu u daawasho tagay kulankii Derby d'Italia waxeyna kusoo aaday waqti uu heystay sadex maalmood oo fasax ah.

Kadib markii uu soo afjaray Arsenal, Conte ayaa u duulay Turin si uu usoo daawado kooxdisii h--e, balse ma aheyn mid looga riyaaqay gurigiisa.

47-jirkaan ayaa shaaca ka qaaday in xaaskiisaElisabetta ay ka carootay go’aankiisa isla markaana uu fahmi waayay qudhiisa qaabka uu ugu sharaxi lahaa hawlahiisa shaqo ee ku aadan safarada iyo soo daawashada ciyaaraha kooxaha kale.


"Marka aan u sheegay xaaskeyga inaan aadayo Turin si aan usoo daawado kulanka Juventus iyo Inter Milan, ma aysan ku farxin” Ayuu yiri Conte oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Burnley.

 

"Waxey igu tiri – Sabab? Sabab – miyaadan la joogeynin xaaskaaga iyo gabadhaada?

"Mararka qaar waxaan isku dayaa inaan ayada u sharaxo in daawashada ciyaaraha kooxaha kale ay ka mid tahay shaqada, mararka qaar ma fududa inaad xaaskaaga u sharaxdo waxa ku saabsan dooqaga, marka aad leedahay fasax hadana aad ciyaar daawato”

"Tusaale ahaan, Axaddii waxaan dhamaan daawanayay kulamada horyaalka Ingiriiska ee kooxaha Manchester iyo kuwa talyaaniga, dareenka kubadda cagta waa igu weyn yahay. xaaskeyga aniga hotey kubadda cagta waxba kama aqoon”

Ugu dambeyntii Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in xaaskiisa iyo waalidiinteedaba aysan waligood daawan kubadda cagta sidoo kalana ay Axad walba u bixi jireen socod.