Antonio Conte Muxuu Ka Yiri Hab Dhaqankiisa Xamaasadda Leh Ee Uu Kusoo Bandhigo Garoomada Kulamada Kooxdiisa?

0
Sunday February 12, 2017 - 10:14:57 in by Burco Office
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Muxuu Ka Yiri Hab Dhaqankiisa Xamaasadda Leh Ee Uu Kusoo Bandhigo Garoomada Kulamada Kooxdiisa?

    Suldaanka garoomadawaa midka ugu fiican ee ku qoob ka ciyaara ama ku dabaal daga diilinta macalimiinta, sidoo kalana waa boqorka horyaalka Premier League-ga markaan sidaa ku leeyahay waa wax uu mutay xagaagan, waa labada dabeecad ee lagu qeexi karo n

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanka garoomadawaa midka ugu fiican ee ku qoob ka ciyaara ama ku dabaal daga diilinta macalimiinta, sidoo kalana waa boqorka horyaalka Premier League-ga markaan sidaa ku leeyahay waa wax uu mutay xagaagan, waa labada dabeecad ee lagu qeexi karo ninkaan reer talyaani.

Macalinkii h--e Juventus wuxuu si faah-faahsan uga hadlay hab dhaqankiisa garoomada, dabaal dagiisa iyo waxa uu kaga dhigan yahay marka uu shaashadaha ka daawanaayo wixii uu falay intii ay ciyaarta socotay.

Conte wuxuu si cad u qiray in dabcigiisa iyo hab dhaqankiisa inta lagu jiro ciyaarta ay tahay wax uu u dhashay isla markaana uu xishoodo marka uu qudhiisa iska daawanayo televesion-ada

Waxey noqotay wax lagu maadsado in Chelsea ay ugu sareyso horyaalka. eeg wixii uu falay todobaadkii h--e markii uu u dabaal dagay goolka Eden Hazard kaas oo ahaa waliba gool dilay rajada Arsenal wuxuuna ahaa kii labaad ee ay Arsenal ka dhaliyaan. Sidoo kale kaamirooyinka waxey qabteen isagoo riixaya mid ka mid ah shaqaalahiisa tababarkaAngelo Alessio kadib markii N’Golo Kante uu qalad ku sameeyay garoonka.

 

 

"Iima fududa aniga inaad xaaladaas igu aragto sababtoo ah ma jecli inaan arko nafsadeyda mar kale kadib ciyaarta” Ayuu yiri Conte oo tilmaamaya sida uusan u jecleen inuu dib isku daawado.

"Sababta aan u jecleen maahan iney tahay dhaqan xun ama dabeecad xun bbalse ma jecli inaan arko. mararka qaar waan xishoodaa inaan arko dareenkeyga” ayuu yiri macalinkii h--e qarnaka Azzurri.